Aktiso:-CNN:Shiinaha ayaa isku diyaarinaya inuu nidaamyada difaaca hawada u gudbiyo Iran
CNN, oo soo xiganaysa saddex “ilo oo xog-ogaal u ah qiimeynta sirdoonka,” ayaa sheegtay in iyadoo lagu salaynayo xogta sirdoonka Mareykanka, Shiinaha uu isu diyaarinayo inuu toddobaadyada soo socda u gudbiyo nidaamyo cusub oo difaaca cirka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Shabakadda ayaa sheegtay in ay jiraan tilmaamo muujinaya in Beijing ay isku dayayso inay Shixnadan hubka u marsiiso waddamo saddexaad si loo qariyo halka ay ka yimaadeen.
Ilo Mareykan iyo Shiine ah weli kama aysan hadlin arrintan.
CNN ayaa sidoo kale, iyadoo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, sheegtay in Beijing ay diyaarinayso inay wareejiso gantaallo lidka diyaaradaha ah oo ah nooca garabka laga rido.

