Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Akhriso:- Wiilka Benjamin Netanyahu oo la masaafuriyey kaddib markii uu feeray aabihiis

    Akhriso:- Wiilka Benjamin Netanyahu oo la masaafuriyey kaddib markii uu feeray aabihiis

    By radiohalgan.comFebruary 24, 20252 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Israa’iil, Naama Lazimi, ayaa sheegtay in wiilka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu la masaafuriyay kaddib markii uu feeray aabbihiis.

     

    Lazimi waxay hadalkan ka sheegtay kulanka Guddiga Maaliyadda ee baarlamanka Israel ama Knesset-ka, iyadoo soo hadal qaadday maalgelinta safarka xaaska Netanyahu, Sara Netanyahu, ee Maraykanka iyo kharashaadka amniga ee loo qoondeeyay wiilkooda Yair Netanyahu, oo ku nool magaalada Miami.

    “Waxaan rabaa inaan wax ka weydiiyo joogitaanka muddo laba bilood ah ee xaaska Ra’iisul Wasaaraha, Sara Netanyahu, ee dibadda. Waxaan rabaa inaan ogaado cidda maalgelisay safarkan, kharashka ku baxay, iyo miisaaniyadda laga bixiyay,” ayay tidhi Lazimi.

     

    Waxay intaa ku dartay: “Waxaan sidoo kale wax ka weydiinayaa wiilka Ra’iisul Wasaaraha, Yair Netanyahu. Warbixin hore ayaa sheegtay in amnigiisu ku kacayo illaa NIS 2.5 milyan (US$701,000) sanadkiiba.”

    “Waxaan rabaa inaan ogaado in lacagtaan weli miisaaniyadda ku jirto iyo in wali lagu taageerayo joogitaanka wiilka Ra’iisul Wasaaraha dibadda, maadaama uu garaacay aabbihiis, taasoo lagu tilmaami karo dhaawac gaaray awoodda dowladeed.”

    Markii xildhibaannada kale ay su’aalo ka keeneen sheegashadeeda, Lazimi waxay ku adkaysatay in wiilka Netanyahu “loo masaafuriyay dibadda.”

    Dhanka kale, afhayeen u hadlay xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa sheegashadaas ku tilmaamay “been cad” wuxuuna ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

    “Naama Lazimi waxay lumin doontaa xasaanaddeeda oo ay bixin doontaa magdhaw, qof kasta oo faafiya beentaan xunna dacwad ayaa lagu soo oogayaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xisbiga Likud.

    Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska The Times of Israel bishii Maarso 2024, kharashaadka amniga ee Yair Netanyahu inta uu ku nool yahay guri raaxo leh oo ku yaalla Miami – oo ay ku jiraan darawal iyo ilaalo ka tirsan cutubka 730 ee Shin Bet – ayaa gaaraya 200,000 shekel (qiyaastii US$56,000). Arrintan ayaa noqotay dood sii xoogeysanaysa oo ka dhex taagan siyaasadda Israa’iil.

     

    Amniga Yair ayaa la xoojiyay kaddib markii ay sii kordheen isku dhacyada militariga ee Israa’iil iyo Iran.

    Xaaska Netanyahu, Sara, iyo wiilkooda kale Avner ayaa sidoo kale ilaalo ka hela hay’adda Shin Bet. Netanyahu laftiisa waxaa baadigoobaya Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taasoo ku eedeysay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

    Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya shacabka Israa’iil, maadaama qoysaska maxaabiista ay Xamaas ku hayso Gaza ay ugu baaqayaan inuu dedejiyo dadaallada lagu soo deynayo ehelladooda.

     

     

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.