Taliyaha ciidamada xoogga Itoobiya, Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay in ciidamadiisu diyaar u yihiin ka hortagista khatar kasta oo uga timaada dalalka dariska ee uu ku tilmaamay ‘cadowga soo jireenka ah’.
Taliyaha ciidanka Itoobiya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin khalkhal galiyo amniga dalkaasi.
“Ciidankeenu waxa uu si buuxda ugu diyaar garoobay in uu ka hortago cid kasta oo dhinaca Itoobiya u soo dhaqaaqda, waxaa waajib ah nagu ah in aan ilaalino madax-banaanida dalkeena” ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga Itoobiya, Marshal Birhanu Jula.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan quwado shisheeye oo isku dayaya in ay Amniga itoobiya carqaladeeyaan, taasina aysan suuragal noqon doonin.
Birhanu Jula oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay walaaca ay Itoobiya ka qabto iskaashiga sii kordhaya ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, taasoo Addis Ababa ay u aragto mid khatar ku ah amniga gobolka.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay Itoobiya ay ka go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, ciidamadeedina ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Hadalka Taliyaha ugu sarreeya ee ciidanka Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli Adis Ababa maalmihii la soo dhaafay ay walaac ka muujineysay suurtagalka in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Itoobiya ayaa ku tilmaamtay qorshahaasi mid caqabad ku noqon kara saameynteeda gobolka.
Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah, kaasi oo la xiriir biyaha wabiga Niil, waxaana hadda muuqaneysa in hardankooda laga dareemayo gudaha Soomaaliya.