Caawa waxaa Saacado kala duwan lasoo afjarayaa Tartama Xulalka gaar ahaan Koobabka Euro 2024 oo ay is wajahayaan Spain vs England halka Koob America 2024 uu dhexda ka yaallo Qaramada Argentina vs Colombia.
Haddii aan ku hormarno Ciyaaraha Euro 2024 ee sanadkaan lagu martigeliyay Dalka Jarmalka waxaana ku loolamaya Labada Qaran ee aanay dabka yar shideen ee Spain (La Roja/Casaanka) & England (Three Lions/Saddexda Libaax).
Macallimiinta Xulalka Qaramada dheelaya Ciyaarta kama dambeystay ee labada Koob ee Euro 2024 & Cup America 2024 ayaa mid weliba waxa uu ku goodiyay in uu Koobka geyn doonno Dalkooda Hooyo maadaama labada Kulan ay ka kala dhacayaan meelo ka baxsan Dalalkooda.
Euro 2024
Xulka Qaranka Spain waxa ay koobkaan ku guulaystay muddo saddex jeer ah oo kala ah: sanadihii 1964tii, 2008 & 2012, waxaana intaas u dheer Koobka Adduunka 2010kii in uu xulkaan Gacanta ku dhigay sidaasina uu ku hantay afartaas Koob.
England waa Xulka aanay weligii ku guulaysan Koobka Euro balse mar ku dhawaaday waana sanadkii 2021kii oo Talyaaniga ayaa ka qaaday Koobkaas ciyaar ka dhacday Garoonka Caanka ah ee Wembley Magaalada London Dalka Ingiriiska ku yaalla.
Haddaba, Ingiriisku miyuu koobkaan Euro 2024 ka dhigan doonnaa koobkiisii ugu horreeyay uu ku guulaystay mise Spain ayaa ka dhiganaysa koobkii afaraad?
Cup America 2024
Caawa Amin dambe waqtiga Geeska Afrika waxaa loolami doonna Xulalka Qaranka kawada dhisan Koofurta Ameerika ee Argentina vs Colombia, Xulka La Albiceleste ee Xagaagii tagay ku guulaystay Koobka Adduunka 2022 ayaa hami sare ka leh in uu Koobkaan gacanta ku dhigo.
Xulka Midabka Hurdiga ah (Jaallaha) horay ugu guulaystay koobkaan labo jeer ayaa damacsan in uu markii saddexaad caawa hanto kana adkaado dhiggiisa Argentina taasina ay rumoobi karto marka ay soo idlaato waqtiga ciyaartaas loogu talagalay.