Mudane Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalolshe oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa markii saddexaad loo magacaabay Agasimaha Hey’adda Sirdonka ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA.
Sida ku cad dastuurka qabyada ah ayaa qodobka 59aad faqradda 1aad xarafka (c) hadduu xildhibaanka aqbalo inuu qabto xil dowladeed oo aan ka aheyn wasiir wuxuu weynayaa xubinnadiisa baarlamaanka.
Haddaba su’aasha imaaneysa wexey tahay qaab sidee ah ayaa loo marayaa buuxinta kursiga HOP 058?
Isla qodobka 59aad fakhraddiisa 2aad ee dastuurka federaalka wuxuu caddeynaya inuu kursiga banaan buuxinayo shakhsigii doorashadii hore ku xigay oo ah qofkii galay booska 2aad.
Sida ku cad Isla qodobka 59aad faqraddiisa 3aad waa in kursiga lagu buuxiyo muddo 30 maalmood ah
Halgan Radio wuxuu si hordhac ah ugu hambalyeynayaa Madaxweynihii koowaad ee Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo ahaa qofkii labaad ee ku xigay Mudane Sambalolshe ee helay cododkii la tiriyay.
Codoble ayaa doorashadas helay 28 cod
HOOSE KA AKHRISO QODOBADA DASTUURKA