Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Akhriso:- Shaki hareeyey in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uu qeyb ka yahay difaaca badda

    Akhriso:- Shaki hareeyey in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uu qeyb ka yahay difaaca badda

    By radiohalgan.comFebruary 23, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dhiggeeda dalka Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

    Waxaa ka horreeyay heshiis is afgarad oo ay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland la gashay Itoobiya kaas oo lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, 1-dii Janaayo.

    Waxaa uu ku saleysnaa in Itoobiya ay dhul badeed hesho iyo in saldhig ciidan ay ka dhisan doonto dhulka Somaliland, waxaase ka biyo diidday dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulka ay Itoobiya dooneyso uu ka mid yahay dhulkeeda.

    Heshiiskaas oo muran badan dhaliyay ayaa Somaliland waxa ay ku adkeysatay in wax waliba oo dhulkeeda ah ay u madax bannaan tahay ayna mas,uul ka tahay, isla markaana aysan cidna kala tashan doonin.

    Heshiiska haatan lagu anxsiyay Muqdisho oo ahaa mid aysan akhrin ama arkin xubnaha baarlamanka balse ay sheegeen in loo dulmaray ayaa loo arki kara mid wax u dhimi kara ama khuseyn kara heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya sida ay dadka qaar qabaan.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskan iskaashiga dhanka difaaca ee ay la saxiixdeen Turkiga, uusan ahayn mid lagula diririyo Itoobiya oo haatan ay muuqato in xiisad kulul ay ka dhaxayso.

    Waxaase xusid mudan in dowladda Turkiga ay lafteedu heshiisyo dhowr ah kula jirto dowladda Itoobiya, waxaana kamid ah heshiis ganacsi oo weyn, waxaana Turkigu uu maalgashaday qaybo badan oo ka mid ah Itoobiya.

    Turkiga ayaa sida Soomaaliya wuxuu Itoobiya kula jiraa heshiis difaac, waxa uuna ka caawiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaaliya, kana faallooda arrimaha siyaasadda, oo BBC-da la hadlay ayaa yiri β€œSida uu madaxweynuhu sheegay heshiiskan muddo dheer ayaa laga shaqeynayay, ma aha mid abuurmay intii ay taagneyd xiisaddan, hase yeeshee heshiiskan waa mid qeexaya in Turkigu uu gacan weyn ka geysanayo wax kasta oo ah ku xad gudubka dhulka Soomaaliya,” taas waxaa ku jira badda, cirka iyo berriga.

    Cabdinaasir Axmed Adan oo ah dhaqaaleyahan ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Geeska ayaa dhanka kale sheegay in haba yaaraatee wax saameyn ah uusan heshiiskan ku yeelan karin kii horay ay u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

    β€œHeshiiskan lagu ansixiyay Muqdisho ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, haba yaraatee waxba uma dhimi doono, sababtoo ah Turkigu waxa uu heshiis weyn oo ah mid dhaqaale iyo mid difaac kula jiraa Itoobiya mana doonayo in uu heshiiskaas wax u dhimo maadaama ay dan badan ugu jirto,” ayuu yiri Cabdinaasir.

    Madaxweynaha Turkga Recep Tayyib Erdogan qudhiisu waxa uu si adag uga hadlay in aan la fara gelin karin midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa uu ballan qaaday β€œin ay difaacayaan madaxbannaanida Soomaaliya.”

    Wasiir Maxamed Mukhtaar ayaa mar kale yiri, β€œTurkigu waxa uu heshiis kan la mid ah kula jiraa Itoobiya, waa macquul in uusan dhinac la safan ama si gaar ah u taageerin, waxaana laga yaabaa in xiriirka kala dhexeeya labada waddanba uu uga faa’iideysto isku soo dhaweyntooda.

    Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Mukhtaar in Itoobiya xitaa haddii ay sii howlgeliso fulinta heshiiskan ay hor taagan yihiin caqabado dhowr ah oo u baahan in ay ka soo gudbo, sida ansixita baarlamaannada Somaliland iyo Itoobiya iyo ka gudubka heshiisyada xeerarka caalamiga ah.

    Dhaqaaleyahan Cabdinaasir Axmed dhankiisa waxa uu sheegay in Soomaaliya horeba ay dalal kale kula jirtay heshiisyo, kuwaasina aysan soo fara gelin jirin arrimaha Somaliland, tanina ay la mid tahay.

     

    Heshiiskan waxa uu burinayaa hadalkii hore ee Soomaaliya ee ah in dhulkeeda duullaan lagu yahay, Soomaaliya waxa ay bixisay boqokiiba soddon in Turkigu faa’iido ahaan u qaato khayraadka badda ee Soomaaliya, waana isla meeshii oo Turkiga ayaa labada dhinacba faa,iido ku qaba,” ayuu sii raaciyey Cabdinaasir Axmed.

    β€œSida heshiiska loo qariyay waxa ay u muuqataa in Soomaaliya ay Turkiga siisay wixii ay ku diiddaneyn Itoobiya, Somaliland waxa ay leedahay ciidan badeed, dhulkeeda kama jiro burcad badeed iyo qashin lagu qubo baddeeda, dalalka Soomaaliya ay heshiiska kula jirto Somaliland ma yimaadaan, tanina waa la mid oo ma iman doonaan,” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Adan.

    Soomaaliya ayaa gashay heshiisyo dhowr ah tan iyo markii uu soo shaac baxay in khilaaf diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Itoobiya. Somaliland waxay weli ku adkaysanaysaa in heshiiska ay la gashay Itoobiya uu dhaqan gali doono.

    Isha: BBC

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.