Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Akhriso:- Shaki hareeyey in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uu qeyb ka yahay difaaca badda

    Akhriso:- Shaki hareeyey in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uu qeyb ka yahay difaaca badda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 23, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dhiggeeda dalka Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

    Waxaa ka horreeyay heshiis is afgarad oo ay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland la gashay Itoobiya kaas oo lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, 1-dii Janaayo.

    Waxaa uu ku saleysnaa in Itoobiya ay dhul badeed hesho iyo in saldhig ciidan ay ka dhisan doonto dhulka Somaliland, waxaase ka biyo diidday dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulka ay Itoobiya dooneyso uu ka mid yahay dhulkeeda.

    Heshiiskaas oo muran badan dhaliyay ayaa Somaliland waxa ay ku adkeysatay in wax waliba oo dhulkeeda ah ay u madax bannaan tahay ayna mas,uul ka tahay, isla markaana aysan cidna kala tashan doonin.

    Heshiiska haatan lagu anxsiyay Muqdisho oo ahaa mid aysan akhrin ama arkin xubnaha baarlamanka balse ay sheegeen in loo dulmaray ayaa loo arki kara mid wax u dhimi kara ama khuseyn kara heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya sida ay dadka qaar qabaan.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskan iskaashiga dhanka difaaca ee ay la saxiixdeen Turkiga, uusan ahayn mid lagula diririyo Itoobiya oo haatan ay muuqato in xiisad kulul ay ka dhaxayso.

    Waxaase xusid mudan in dowladda Turkiga ay lafteedu heshiisyo dhowr ah kula jirto dowladda Itoobiya, waxaana kamid ah heshiis ganacsi oo weyn, waxaana Turkigu uu maalgashaday qaybo badan oo ka mid ah Itoobiya.

    Turkiga ayaa sida Soomaaliya wuxuu Itoobiya kula jiraa heshiis difaac, waxa uuna ka caawiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaaliya, kana faallooda arrimaha siyaasadda, oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Sida uu madaxweynuhu sheegay heshiiskan muddo dheer ayaa laga shaqeynayay, ma aha mid abuurmay intii ay taagneyd xiisaddan, hase yeeshee heshiiskan waa mid qeexaya in Turkigu uu gacan weyn ka geysanayo wax kasta oo ah ku xad gudubka dhulka Soomaaliya,” taas waxaa ku jira badda, cirka iyo berriga.

    Cabdinaasir Axmed Adan oo ah dhaqaaleyahan ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Geeska ayaa dhanka kale sheegay in haba yaaraatee wax saameyn ah uusan heshiiskan ku yeelan karin kii horay ay u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

    “Heshiiskan lagu ansixiyay Muqdisho ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, haba yaraatee waxba uma dhimi doono, sababtoo ah Turkigu waxa uu heshiis weyn oo ah mid dhaqaale iyo mid difaac kula jiraa Itoobiya mana doonayo in uu heshiiskaas wax u dhimo maadaama ay dan badan ugu jirto,” ayuu yiri Cabdinaasir.

    Madaxweynaha Turkga Recep Tayyib Erdogan qudhiisu waxa uu si adag uga hadlay in aan la fara gelin karin midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa uu ballan qaaday “in ay difaacayaan madaxbannaanida Soomaaliya.”

    Wasiir Maxamed Mukhtaar ayaa mar kale yiri, “Turkigu waxa uu heshiis kan la mid ah kula jiraa Itoobiya, waa macquul in uusan dhinac la safan ama si gaar ah u taageerin, waxaana laga yaabaa in xiriirka kala dhexeeya labada waddanba uu uga faa’iideysto isku soo dhaweyntooda.

    Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Mukhtaar in Itoobiya xitaa haddii ay sii howlgeliso fulinta heshiiskan ay hor taagan yihiin caqabado dhowr ah oo u baahan in ay ka soo gudbo, sida ansixita baarlamaannada Somaliland iyo Itoobiya iyo ka gudubka heshiisyada xeerarka caalamiga ah.

    Dhaqaaleyahan Cabdinaasir Axmed dhankiisa waxa uu sheegay in Soomaaliya horeba ay dalal kale kula jirtay heshiisyo, kuwaasina aysan soo fara gelin jirin arrimaha Somaliland, tanina ay la mid tahay.

     

    Heshiiskan waxa uu burinayaa hadalkii hore ee Soomaaliya ee ah in dhulkeeda duullaan lagu yahay, Soomaaliya waxa ay bixisay boqokiiba soddon in Turkigu faa’iido ahaan u qaato khayraadka badda ee Soomaaliya, waana isla meeshii oo Turkiga ayaa labada dhinacba faa,iido ku qaba,” ayuu sii raaciyey Cabdinaasir Axmed.

    “Sida heshiiska loo qariyay waxa ay u muuqataa in Soomaaliya ay Turkiga siisay wixii ay ku diiddaneyn Itoobiya, Somaliland waxa ay leedahay ciidan badeed, dhulkeeda kama jiro burcad badeed iyo qashin lagu qubo baddeeda, dalalka Soomaaliya ay heshiiska kula jirto Somaliland ma yimaadaan, tanina waa la mid oo ma iman doonaan,” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Adan.

    Soomaaliya ayaa gashay heshiisyo dhowr ah tan iyo markii uu soo shaac baxay in khilaaf diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Itoobiya. Somaliland waxay weli ku adkaysanaysaa in heshiiska ay la gashay Itoobiya uu dhaqan gali doono.

    Isha: BBC

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.