Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta billowday dhageysiga dacwad loo heysto 7 qof oo ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka sida maxkamadda laga hor sheegay.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay xog ku saabsan shabakaddaan ka shaqeyneysay tahriibinta Dadka, waxaana uu keenay caddeymo uu xafiisku ku xoojiyay eedahaas oo Maxkamadda Gobolka Banaadir la hor geeyay.
Raggaan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dadkii ka dambeeyay tahriibinta dhallinyaro ku geeriyootay Badweynta Hindiya dhammaadkii sannadkii hore 2024 oo tiradooda gaareysay 28 ruux kaddib markii ay la degtay doontii ay saarnaayeen.
Kooxaha lacagaha Wax tahriibiya waxaa la shaqeeya dad u jooga magaalooyin kala duwan kuwaas oo lacagaha madax-furashada ah ka qaada ehelka Dadka tahriiba iyaga oo la wadaaga xogtooda iyo xaaladdooda.