Radiohalgan.com
Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay roob daad wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdishom
#Afhayeebka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan ayaa sheegay in sagaal guri ay dumeen, lix wado oo waaweynna ay burbureen, halka dad badan ay ka barakaceen degmooyin qaar ee gobolka.
#Roobka ayaa saameeyay isu socodka magaalada, waxaana burbur xooggan soo gaaray wadooyinka u dhow garoonka Aadan Cadde.
Hawlgallo gurmad ayaa saacadihii la soo dhaafay soconayay.
#Afhayeenka ayaa sheegay in saadaasha Roobka uu sii socon doono maalmaha soo socdo, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay taxadaraan.