Ka dib weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, saraakiisha amniga iyo kuwa dawladda Iiraan ayaa si isdaba joog ah u sheegay in WhatsApp ay u adeegto sidii “aalad basaasnimo.” Waxay ku andacoonayaan in Israa’iil iyo “wakiiladeeda gudaha” ay la xiriireen barnaamijyada fariimaha sida WhatsApp, waxayna sheegeen in app-ku uu ururiyay macluumaadka ku saabsan goobaha ugu dambeeyey ee lagu ogaa dadkii ay raadinayeen iyo xiriirkii ay sameeyeen, ayagoo siinaya xogtooda dhinaca kale.
Gholamreza Jalali oo ah madaxa ururka difaaca ee qarsoon ayaa waraysi uu bixiyay kaga digay adeegsiga alaadaha farriimaha “WhatsApp Messenger wuxuu door ka qaatay helista iyo dilka qaar ka mid ah taliyayaasha Xamaas” wuxuuna sheegay in Ismaaciil Haniyeh oo ahaa hogaamiyihii hore ee Xamaas sidan oo kale loogu beegsaday magaalada Tehran.
Laakiin qaar ka mid ah qoysaska iyo qaraabada taliyayaashii lagu dilay weerarka Israa’iil ayaa sheegaya sheeko taas ka duwan. Alireza Hajizadeh oo ah wiil uu dhalay taliyihii hore ee ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka ee lagu dilay weeraradii Israa’iil ayaa yiri: “Markuu aabahay damco inuu hadlo, waxay u sheegi jireen inuu soo ururiyo taleefoonnada guryaha, iyo rimuutyada, iwm, oo ay geeyaan qolalka mid ka mid ah, xataa waxaanu ururin jirnay qalabka korontada ku shaqeeya”.
Mahdieh Shadmani, oo ah gabadh uu dhalay Ali Shadmani, oo lagu dilay weerar Israa’iil 10 maalmood uun ka dib markii loo magacaabay taliyaha guud ee xarunta Khatam al-Anbiya, ayaa ku soo qortay Instagram-keeda: “dabagalka Israa’iil waa dhaafsiisan yahay WhatsApp ama qalabka caadiga ah ee wax lagu basaaso”.
Afar maalmood ka dib markii ay Israa’iil weerartay Iiraan, ayey hay’adda warbaahinta ee Iiraan waxay dadka ugu baaqday in ay WhatsApp-ka ka tirtiraan Taleefannadooda gacanta, iyadoo ku andacootay in app-ka fariimaha la isugu diro uu “ururinayo macluumaadka shaqsiyaadka”, isagoo Israa’iil siinayaa “goobtii ugu dambeeysay iyo wada xiriirkoodii”.
WhatsApp ayaa ka jawaabtay iyadoo ugu yeertay sheegashadaas “been”, waxayna muujisay walaac ah in eedeymahan oo kale loo isticmaalo marmarsiinyo si loo joojiyo adeegga fariimaha. Shirkaddu waxay ku nuuxnuuxsatay in aanay la socon goobaha isticmaaleyaasha, aanay akhriyin fariimaha, iyo in aanay dawladna la wadaagin wax xog ah oo la uruuriyey.
Laakiin marka laga soo tago sheegashada dawladda Iran ee ku saabsan ammaan-darrada WhatsApp, sidee loo hubin karaa in amaanka farriintu ay tahay mid sugan? Maxaa la gudboon dadka caadiga ah ee isticmaalayaasha si ay u xafidaan xogtooda?
Waxyaabaha uu leeyahay farriin qaade amnigiisu sugan yahay
Tilmaamaha ugu muhiimsan ee abka fariimaha aaminka ah waa in farriinta ay tahay mid xiran oo u dhaxaysa labada dhinac ee ay dhex marayso, taasoo la macno ah in farriimaha kaliya lagu kala furfuro soo diraha iyo qaataha, oo xitaa server-yada dhexe aysan akhrin karin.
Barnaamijyadani waa inay sidoo kale ka dhigaan helitaanka xogta isticmaalaha mid hufan oo la xakameyn karo. Tusaale ahaan, abka hagitaanku uma baahna gelitaanka kaydka sawirrada ama makarafoonka. Helitaanka aan loo baahnayn waxay kordhinaysaa halista si xun u isticmaalka ama dusinta xogta.
WhatsApp oo ay leedahay Meta (oo hore u ahaan jirtay Facebook), ayaa sheegaysa in dhammaan fariimaha, codadka iyo wicitaannada muuqaalka ah ee goobta ay yihiin kuwo sir ah dhammaadka-dhamaadka. FArriimahan aan la furi karin ayaa si toos ah loogu suurto galiyey WhatsApp tan iyo 2016.
Hadda ma jiraan caddaymo farsamo ama warbixinno madax banaan la diiwaangeliyay oo sheegaysa in la jebiyey ammaanka sirta WhatsApp. Maamulka Iran sidoo kale ma aysan sheegin sababo farsamo oo gaar ah oo loogu yeero adeegga fariimaha mid aan ammaan ahayn.
Qaar ka mid ah eedeymaha ayaa tixraacaya habka isticmaalayaashu u isticmaalaan app-ka, sida u dirida goob xasaasi ah oo qofku ku sugan yahay. Xaaladaha qaar, arrintu waa sida loo isticmaalo farriinta, ma aha in app-ka laftiisu aanu ammaan ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, WhatsApp waxaa lala beegsaday weerar dhanka internetka ah 2019, kaas oo NSO ay ka faa’iidaysatay dulduleello dhanka ammaan oo ay ku jiraan wicitaannada codka WhatsApp si ay ugu rakibto abka wax basaasa ee Pegasus spyware qalabka dhibbanaha iyada oo aan loo baahnayn in laga jawaabo wicitaanka.
Sannadkii 2025, maxkamad ku taal Maraykanka ayaa ku amartay shirkadda Israa’iil ee NSO inay siido shirkadda Meta $168 milyan oo magdhow ah.