Arrimihii Manchester United ee xilli ciyaareedkii hore ayaa socday xilli ciyaareedkan iyada oo Red Devils laga badiyay sideed ka mid ah 20kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Erik ten Hag ayaa xagaagii qarka u saarnaa in shaqada laga ceyriyo laakiin saraakiisha Man United ayaa go’aansaday in ay sii haystaan tababaraha reer Netherlands iyaga oo heshiis hal sano ah ka saxiixday.
Haddii Red Devils ay hadda go’aansato inay shaqada ka caydhiso Erik Ten Hag waxa ay ku qasbanaan doontaa in ay bixiso lacag dhan 15 milyan oo euro.
Lacagtaas ayaa ku saleysan qandaraaskiisa, kaasoo hadda socda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025/2026, isagoo sanadkii mushaar ahaan u qaata ku dhawaad 9 milyan.
Wadarta kharashka ayaa sii kordhi kara marka la eegayo magdhowga ama khidmadaha shaqo ka joojinta. Intaa waxaa dheer, waxaa jiri kara caqabado dhaqaale oo ay ugu wacan tahay qandaraasyada ciyaartoyda ee uu Ten Hag ka saxiixday heshiiska cusub.