Cabdirashiid Janan oo ah mas’uulka ugu sarreeya dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa magaalada Beledxaawo ku soo dhaweeyay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya Cabdirashiid Janan oo goob fagaare ah kula hadlaya ciidankan, isaga oo dul istaagay xaaladda magaalada Beledxawo iyo dhaqdhaqaaqyada socda.
Wuxuu sheegay in ciidanka uu hoggaamiyo ee ku sugan xirada UK la soo weeraray, isla markaasna uu dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, Cabdirashiid ayaa sheegay inuu qorshahoodu ahaa in ay la diiwaan galiyaan, lana qalabeeyo askarta ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan ee ku sugan gobolka Gedo, balse culeysyo ay soo wajaheen.
Hadalka Sarkaalkan ayaa ku soo aadaya xilli weli magaalada Beledxaawo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal oo u dhaxeysa ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Dagaalkii Jimcaha ka dhacay Beledxaawo ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa soconayay dadaalo ay samaynayeen Odoyaasha dhaqanka ee magaalada si loo xalliyo xiisadda, balse laguma guulleysan.