Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa kusoo warramaya in ciidamada guutada 9aad ee qaybta 60aad Xoogga Dalka ay howlgallo ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo qaydar cadde oo 30 kiilo-mitir u jira Magaalada Xudur.
Deegaankaan waxa uu xarunta Gobolka Bakool uga beegan yahay dhanka Waqooyi Galbeed, waxaana inta uu howlgalkaan socday dhacay iska hor imaad kooban sida ay sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo qabtay Dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin ‘AS’ kuwaas oo la sheegay in ay geeyeen mid kamid ah xarumahooda si ay baaritaanno dheeraad ah ugu sameeyaan sida hadalka loo dhigay.
War kooban oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in goobta la weeraray ay ahayd xero ‘AS’ ay ku tababaranaysay balse goobtaan haatan ay saldhig ka dhigteen Ciidamadaan.
La soco wixii kasoo kordha