Ciidanka Israaiil ayaa sii joogteeyay duqaynta Arxan-darrada ah ay ka gaysanayaan Magaalada Gaza, waxa ay saacadihii lasoo dhaafay ay beegsadeen Iskuul ku yaalla Xerada Barakaca ee Nuseyraat iyada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 ruux halka ay ku dhaawacmeen 80 Kale.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu Iskuulkaan ku yaallo waxaa ka muuqday Dad badan oo waxyeello kasoo gaartay duqayntaas oo qaarkood lagu daweynayo goobaha aanay ahayn kuwa Caafimaadka maadaama ay go’doonsan yihiin.
Militariga Israaiil ayaa sheegay in ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen xubno katirsan dhaqdhaqaaqa Iska caabbinta kala soo horjeeda ee Xamaas inkasta oo Waaxda Caafimaadka Gaza ay arrintaas waxba kama jiraan ka dhigeen.
Madaxweynaha Brazil:
Madaxweynaha Brazil Lula da Silva ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyinka loo gaysanayo Dadka Falastiiniyiinta ah iyada oo Dunida ka dhega-fureysatay wax u qabashada si ugu yaraan loo helo Xal lagu gaari karo Xabbad-joojin dhaqan-gasha.
“Xasuuq aan Dhammaad lahayn ayay Israaiil u gaysatay Dadka Falastiin, Haween & Carruur badan oo ah Dadka sida gaarka ah loo ilaaliyo ayay si macno beel ah ay u beegsadaan Ciidanka Israaiil, Burburinta Goobaha Waxbarashada, Cibaadada & Xeryaha Barakacayaasha waa dambi adag” Ayuu yiri Lula da Silva, Madaxweynaha Dalka Brazil.
Dalal badan oo ah kuwa reer Yurub & Ameerika ayaa si cad uga hor yimid tallaabooyinka Ciidanka Israaiil ay qaadayaan iyaga oo dilay ku dhowaad 40 kun oo qof laga soo billaabo tan iyo markii uu Dagaalka billowday horraantii Oktoobar sanadkii hore 2023.