Afhayeenka Dowladda Kenya Isaac Mwaura oo ka hadlay Dibadbaxyada kusii xooggaystay Dalkaas ayaa sheegay in uu jiro tuhun muujinaya dano siyaasadeed iyo faragelin Shisheeye balse uusan sii faah-faahin halka uu tuhunkaas jiro.
Isaac ayaa tilmaamay in Dadku ay xuquuq u leeyihiin in ay ka dibadbaxaan halka Dowladda uu waajib ka saaran yahay in ay ka jawaabto ama ka garaabto cabashasaas isla markaanna Xukuumaddu ay qaadday tallaabooyinkii ku habboonaa ka warcelinta Dibadbaxayaasha.
Waxa uu tusaale usoo qaaday in ay jiraan meelo badan oo Dowladdu wax ka baddeshay sida Rootiga, Saliidda, Cuntada & Gawaarida kaddib soo jeedin ka timid Dadka Shacabka ah sidaasina loo qaado had iyo jeer tallaabooyinka loogu daneynayo Qaranka & Shacabka.
Afhayeenka Dowladda Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne William Ruto uu ku howlan yahay go’aamo lagu farxi doonno inkasta oo uusan bixin faah-faahin intaas dheer, waxa uu shacabka ka dalbaday in ay is dejiyaan kana warsugaan Dowladdooda.
“Muwaadinku waxa uu xaq u leeyahay in uu dibadbax dhigi karo, waxaa jira Dad ay daacad ka tahay mudaharaadka iyo kuwo kale oo dano siyaasadeed & faragelin shisheeye gacmaha kula jira waana wax aan loo baahnayn oo laga fiican yahay” Ayuu yiri Afhayeenka Dowladda Kenya.
Dowladda Kenya ayaa la tacaalaysa xal u helista dibadbaxyada xooggan ee ka socda Dalkaas waxaana mas’uuliyiinta Kenyaanka ah laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ay ka qaataan cabashada Dadkaas iyo shuruudaha ay ku xirayaan joojinta Dibadbaxooda.