Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa soo dhaweeyey magacaabidda agaasimaha cusub ee hey’adaas Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaas oo maanta xilkaas loo magacaabay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee Hay’adda, “waxaan hambalyo u dirayaa Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo markale nasiib u yeeshay in uu maamulo Hay’adda NISA.”
Mahad ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu ugu adeegay awood tan ugu sarreysa, isaga oo ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray, “waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegnay awood tan ugu sarreysa ee aan heli karnay, waxaana xusid mudan in shaqadaas adag ay laf dhabar u ahaayeen Saraakiisha iyo howl- wadeennada Hay’adda oo garab igu siiyay, waxaan leeyahay dhammaantiin waa mahadsantihiin.”
Magacaabista cusub ee Agaasimaha NISA iyo ka tagista Agaasimihii hore ayaa ahayd mid muddooyinkii dambe ay bulshada isla dhexmarayeen, taas oo ku soo aadaysa xilli dhawaan Xildhibaannada labada Aqal ee ay meel mariyeen wax ka badalka Dastuurka Dalka.
Warar lagu kalsoonaan karo ee hayshay Mustaqbal Media ayaa sheegaya in Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad uu ka mid yahay musharaxiinta u tartami doonta xilka Madaxweynaha Gobaleedka Galmudug, oo la filayo dhawaan in doorashada maamulkaas ay dhacdo.
Qubrada ku xeeldheer arrimaha amniga ayaa sheegay Mahad Salaad muddaddii uu joogay Hay’adda in uu isbadal ku soo kordhiyey, ka dib markii ay yaraadeen falalka amni darrada ka dhici jiray magaalada Muqdisho, xilli hay’adda loo sameeyey sharcigii ugu horreeyey tan iyo markii dhidibada loo taagay