Agaasimaha Guud Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Hirshabelle Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa kala wareegay Dooni Nooca la buufiyo Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Doontan ayaa si gaar ah loogu talagalay inay wax ka qabato caqabadaha ka dhalan kara Fataahada sida xaaladda El Niño oo kale. si loo ilaaliyo loona badbaadiyo nafta iyo hantida shacabka ku dhaqan degmada Balcad.
Iyadoo arrimahaas laga duulayo ayaa waxaa kawarbixiyey doontaan Xasan Cabdulqaadir Ciise oo ah Mareeyaha xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka degdega ah iyo Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa si weyn ugu mahad-naqay Hay’adda SoDMA oo gacan ka gaysatay wareejinta doontaan.