Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Yusuf Cabdi Farax ayaa maanta magaalada Baladwayne ka furay qorshe howleedka nabadda iyo amniga dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Hirshabelle.
Kulankan waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Wasaarada Dhalinyaradda JFS, Gudooomiyaha Dhalinyaradda Hirshabelle, Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta Beledweyne Cismaaciil Zidane Gudoomiyaha dhalinayradda Gobolka hiiraan iyo hormuudka dhalinyarada degmada Baladwayne.
Qorshe howleedkaani wuxuu salka ku hayaa daadajinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2250, kaasoo diiradda saaraya in dhallinyaradu ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan geeddi-socodka nabadda iyo horumarinta amniga.
Qaraarka oo la soo saaray sanadkii 2015 ayaa ku boorrinaya dowladaha iyo hay’adaha in dhallinyarada loo siiyo awood iyo kaalmo ay ugu adeegaan bulshada dhexdeeda.
Dadaalkan ayaa muujinaya sida wasaaaraddu uga go’an tahay in ay kor u qaaddo ka-qaybgalka dhallinyarada ee Nabadda iyo Amniga, iyada oo u abuuraysa fursado tababar iyo wadajir ay kula shaqeeyaan qaybaha kale ee bulshada si loo helo bulsho isku duuban oo ammaan ah.