Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka Dab-damiska ka socda ee lagu sal-kicinayo Dadka degen Dhulkaas oo horay Dowladda Federaalka Digniin u siisay.
Cabdifitaax ayaa sheegay in Dhulkaan sababta Dowladda ay ugu baahatay ay tahay in xal waara loo helo Dabka ka kaca Suuqyada & goobaha kale ee Caasimadda ku yaalla oo sanadihii lasoo kordhay waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu bogaadiyay Dadka Deegaanka oo uu ku sheegay in intooda badan ay qaateen soo jeedinta ka timid Dowladda Federaalka oo ay ugu muujisay baahida ay u qabto Dhulkaan kuwaas oo tilmaamay in ay Dhulkaas sii baneeyeen ama isaga baxeen.
Xarunta weyn ayaa laga dhisayaa Dhulka Dab-damiska oo xal u noqon doonta dabka kusoo noq-noqday Muqdisho, sida aad ogtihiin khasaara badan ayaa ka dhashay dabab ka kacay meelo kala duwan, si wax looga qabto ayaa loogu baahday xaruntaan” Ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.
Dadka deegaansanayay Dhulka Dab-Damiska oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka war heleen Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka oo dul-jooga waqti hore ee waaberigii Subaxnimada Isniinta kuwaas oo ku wargeliyay in ay halkaas isaga guuraan.