Kooxda Taalibaan ee heysa talada dalka Afganistan, ayaa la sheegay in hawada ka saareen adeegga internetka ee dalkaasi, waxaana tallaabadaasi ay qaaday Taalibana ka dhashay xaalad adag oo soo wajahday dadkii ku xirnaa internetka.
Markii hawada laga saaray adeegga internetka ee dalka Afganisdtan , ayaa waxaa hawada ka baxay adeegga taleefoonnada gacanta, waxaana la joojiyay duulimaadyo badan dalkaasi tagi lahaa, waxaa sidoo kale khal khal uu soo wajahay ganacsiyada adeegooda uu ku xirnaa internetka.
Lama oga ilaa hadda sababta rasmig aah ee hawada looga saaray adeegga internetka ee dalka Afganistan, waxaana horey masuul katirsan maamulka Taalibaan u sheegay in hoggaamiyaha ugu sarreeya Afganistan uu amray in la mamnuuco internetka, si meesha looga saaro xumaanta.
Dad badan oo kunool gudaha dalka Afganistan, ayaa si weyn ugu xiran adeegga internetka, iyaga oo kala xiriira eheladooda daafaha dunidda ku sugan, sidoo kale u adeegsada shaqooyin badan iyo dhinaca waxbarashada oo muhiim u yahay intetneja.