Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal xuduudeed oo khasaare culus sababay .
Labada dal ee Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa mid walba sheegtay inuu kan kale u geystay khasaare weyn kadib dagaal culus oo ka dhacay xadka labada dal.
Afgaanistaan waxay sheegtay inay dileen 58 askari oo Pakistani ah, halka Pakistan ay sheegtay inay qabsatay 19 saldhig xuduudeed oo Afghan ah.
Labada dhinac ayaa mid walba sheeganaya guul ciidan, balse xaaladda xadka ayaa weli kacsan.
Dagaal ma keeno nabad wada hadal ayaa furaha xal waara.