Shabakado kale oo bulshadu ku xariirto, sida MySpace, ayaa jiray Facebook ka hor, laakiin mareegta Mark Zuckerberg ayaa isla markiiba hawada ka saartay, markii la furay 2004-tii, taasoo caddaynaysa sida dhakhsaha badan ee shabakad noocan oo kale ah ay u qabsan karto adduunka.
In ka yar hal sano waxay haysatay 1 milyan qof oo isticmaale, afar sano gudahoodna waxay dhaaftay MySpace ayada oo hindisatay hal-abuurro sare.
Iska qaadista sawirro quruxoon oo casri ah ka dibna aad “asxaabtaada la wadaagto waxay halbowle u aheyd nolosha dhalinyaranimada dabayaaqadii 2000- kun waxaan jiray isbadelo mar walba ku socday barta ay bulshada ku xariirto.
Sannadkii 2012-kii in badan 1 bilyan oo qof ayaa isticmaala jirtay bishii Facebook, marka laga reebo muddo gaaban oo ah dhammaadka 2021 xilligaas oo tirada isticmaaleyaasha firfircoon ee maalinlaha ah ay markii ugu horreysay hoos ugu dhacday 1.92 bilyan.
Markii ay shirkaddu internet bilaash ah siisay qaar ka mid ah waddamada aan lahayn internet-ka, waxaa kordhay tirade dadka isticmaala Facebook.
Dhammaadkii 2023, shirkadda Facebook waxa ay sheegtay in ka badan laba bilyan oo qof ay isticmaalaan si maalinle ah.
Facebook hadda waa looga shacbiyad badan yahay marka laga hadlayo dhalinyarada dhexdooda, balse waxaa run ah in shabakaddu ay wali tahay tan ugu caansan adduunka, ayna soo kordhisay waa cusub.
Bulshada qaar waxay u arkaan Facebook iyo kuwa la tartamaya inay yihiin kuwa leh awood isgaariin oo isku xiraysa, halka qaar kalena ay u arkaan wakiillo burburinaya.
Facebook waxa uu xogtayada shakhsi ahaaneed ka dhigay mid qiimo leh
Facebook ayaa caddeeyey in ururinta waxyaabaha aan jeclayn iyo kuwa aan jecel nahay ay faa’iido badan leedahay.
Shirkadda Meta, ee horey loo oran jiray Facebook waa mid ka mid ah shirkadaha xayaysiista adduunka oo la mid ah Google ayada oo door weyn ku leh xayaysiinta adduunka.
Meta ayaa shaacisay in ay soo xareeysay dakhli ku dhow $34bn rubuci saddexaad ee 2023,-kii taas oo inta badan laga sameeyay adeegyada xayaysiisyada ee aduunka oo dhan.
Shirakada Meta ayaa dhowr jeer lagu ganaaxay inay si khaldan u maareysay xogta shakhsiga.
Kiiskii ugu badnaa ee la shaaciyey ayaa ahaa fadeexaddii Cambridge Analytica ee 2014, taasoo keentay in Facebook uu bixiyo $725m (£600m) si uu u xalliyo dacwad sharci ah sababo la xiriira jebinta xogta.
Sannadkii 2022, Facebook ayaa sidoo kale bixisay €265m ganaax ah taas oo Midowga Yurub uu amray.
Sanadkii la soo dhaafay, Guddiga Ilaalinta Xogta Irish, ayaa soo saaray ganaax ka dhan ah shirkadda kaas oo gaaray €1.2bn blasé Facebook ayaa hadda racfaan ka qaadanaya ganaaxaasi.
Facebook iyo sida uu Internetka siyaasad uga dhigay
Facebook wuxuu noqday goob weyn oo olole doorasho oo adduunka laga xayeysiiyo.
Tusaale ahaan, shan bilood ka hor doorashadii madaxtinimada ee Maraykanka ee 2020, kooxda madaxweynaha talada haysa ee Donald Trump ayaa in ka badan $40m ku kharash garaysay xayeysiiska Facebook, sida ay sheegtay cilmi-baarista iyo xog la aruuriyay.
Sidoo kale Facebook waxa uu gacan ku lahaa in uu beddelo siyaasadda asaasiga iyada oo kooxaha isticmaala ee kala duwan ay isku yimaad oo ay abaabulaan ololeyaal iyo qorsheeyaan waxqabad heer caalami ah.
Twitter iyo Facebook ayaa la sheegay in ay muhiim u ahaayeen intii uu socday kacdoonkii Carabta si ay gacan uga geystaan isku dubaridka dibadbaxyada iyo faafinta wararka ku saabsan waxa dhacaya.
Facebook ayaa lagu dhaleeceeyay qaar ka mid ah cawaaqibkeeda ka dhalan kara arrimo siyaasadeed oo ay ku jiraan saameynta ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.
Sannadkii 2018-kii, Facebook waxa ay aqbashay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ay ku sheegtay in uu Meta ku guul-darraysatay in ay ka hortagto dadka isticmaalka madal ay ku hurinayaan rabshadaha khadka tooska ah ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee Myanmar.
Facebook waxaa uu dhisay shabakad bulsho iyo boqortooyo tiknoolajiyadeed
Guusha ballaaran ee mulkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg waxa uu dhisay shabakad bulsho iyo boqortooyo tiknoolajiyadeed oo aan la dhaafin marka la eego tirada isticmaaleyaasha iyo awoodda uu leeyahay.
Shirkadaha WhatsApp, Instagram iyo Oculus, ayaa dhamaantood waxaa iibsaday Facebook,waxana magaceeda ay u badashay Meta 2022.
Meta ayaa hadda sheegtay in ka badan saddex bilyan oo qof ay isticmaalaan ugu yaraan mid kasta oo ka mid ah baraha shirakada maalin kasta.
Meta ayaa inta badan lagu eedeeyay in shirakadaha ay woodi wayday inay iibsato ay ku eedayso in naqashada ay ka xado.
Xeeladaha ayaa noqday kuwo aad uga muhiimsan sidii hore, iyadoo ay ugu wacan tahay tartanka kordhay iyo deegaan sharciyeed oo aad u adag.
20- ka sano ee soo socda?
Ilaalinta awoodda shabakadda bulshad ee ugu caansan waxay noqon doontaa caqabad weyn 20-ka sano ee soo socda.
Sare u kaca Facebook iyo sii wadista sameeynta ay caalamka ku leedahay ayaa markhaati u ah awoodda uu Mark Zuckerberg ee ah Facebook ay wali ahaan doonta mid ugu weyn aduunka.
Meta hadda waxay si weyn ugu riixaysaa inay ganacsigeeda ku dhisto fikradda, iyadoo lagu doodi karo inay hogaamiso dariiqa ay ku xafiiltamaan shirkadaha tignoolajiyada sida Apple.
Sirdoonka macmalka ah ayaa sidoo kale mudnaan weyn u ah Meta.