Xilliyada uu sicir-bararka sareeyo, kor u kaca kharashku wuxuu noqon karaa isha walaaca, balse isbadalo aad samayn karto ayaa wanaajin kara qorshahaaga maaliyadeed taas oo laga yaabo inay kuu sahasho in si fudud aad ugu gudubto waqtigaas.
Xiliyada Sicir bararka qiimuhu wuu kordhaa, waxaana hoos u dhaca qiimaha lacagta, waxaadse u baahan tahay inaad markasta xaddido isticmaalkagii sareeyey ee sicir bararka ka hor.
Maaraynta nolosha qoyska iyo mid kugu xeeranba waxay u baahan yihiin xiliyadan xeeladaysi ku dhisan gunti giijis dhaqaale oo wanaagsan. Tusaale ahaan inaa dhinto kharaskii aa dhal meel ku wada bixin jirtay oo kale.
Sicir bararku waa kororka qiimaha maciishada iyo hoos u dhac ku yimaada lacagta, taas oo saamayn ku yeelata nolosha dadka. Xiliyadaan adag waxaa u baahan yahay qof walba maarayn maaliyadeed oo adag.
Waxaa sicir bararku keena in maciishadu kor u kacdo sida cunada, hilibka,qudaarta iyo waxyaabaha kale ee qutul daruuriga ah kuwaas oo laga yaabo in qiimahood laba jibaarmo ama ka sii bataba. Markaas waa inaad maanka ku haysaa in ay is yeeshaan dakhliga ku soo gala iyo kharaska kaa baxa oo ku maamushaa qorshayn la socota marxalada timid.
Haddiiba aad ku nooshahay wadamada faqriga ah ama kuwa soo koraya waa ka sii daran tahay walwalka markaa joogto dalalka dhaqaalahoodu sareeyo. Markan waxaa ku horyaala doorasho ay tahay inaad samayso si aad u badbaadiso noloshaada iyo tan kugu xeeran xiliga uu jiro sicir-bararku.
Lasoco kharashka aad isticmaasho
Marka kharashyadu kor u kacaan, wax kasta oo aad kaydin karto waa la xisaabinayaa.
La socoshada kharashaadkaaga waa hab fiican oo lagu hubiyo inaad lacagtaada u isticmaalayso sida ugu macquulsan.
Qiimee qulqulka biilasha aad bixiso, adigoo hubinaya inaad cunada ku karsato gurigaga halkii aad u bixi lahayd cuno aad banaanka ka doonan lahayd.
Kharashaadka asaasiga ah intooda badan uma baahna inaad si xowli ah hoos ugu dhigto, laakiin maaraynta ayaa ah mid culayska miisaaniyadeed kaa yarayn karta.
Cilmi baaris ay soo bandhigtay hayada Qaramada Midoobay ee UNFCU ayey ku talo bixisay inaad qaadid talaabooyinka mudnanata leh xiliyad ay jiraan sicir barbarku
Deymaha
Qaadashada deyn cusub xiliyada sicirku sareeyo waxay keeni kartaa niyad jab kale oo ah inaanadan maarayn mushkiladaha dhaqaale ee kaga baahan xalka.
Deyntu waxay sii kordhin kartaa in culays dhaqaale kore dakhligaaga kaas oo sii kordhinka walaaca dhimista kharashka.
Sidoo kale deyntu waxay hubanti la,aan ka dhigi kartaa waqtigan adag xaaladaada asaasiga ah iyadoo jaahwareer kaaga ridi karta maaraynta noloshaada, sababtoo deyn lahaaduhu wuxuu xisaabinayaa xiliga uu soo dhow yahay helida dakhligaaga.
Ka faa’iidayso fursadaha
Xitaa haddii aad leedahay miisaaniyad si wanaagsan loo maamulay, waxaad u badan tahay inaad kharash garaysay in ka badan intii caadiga ahayd marka sicir-bararka sareeyo.
Inkastoo tani ay noqon karto niyad jab, waxaad ka faa’iideysan kartaa kharashyada dheeraadka ah adiga oo dooranaya kaarka deynta oo bixiya abaalmarino.
Raadi fursado kabid ku noqda xiliyadaan oo kale, adiga oo aan ku ekeenayn waxa aad heli jirtay oo kaliya, sababtoo ah markasta waxaa suurgal ah in ay sinmaan dakhliga ku soo galaya iyo kharashka kaaga baxaya nolosha, ama xitaa in ay iska agdhawaadan.
Sida ay ku talinayaan dadka ka faalooda dhaqaalaha mar walba waxa aad ku dhaqaaqayso ayaa waxaa sal u ah qorshe, kaas oo laga yaabo in aad uga badbaado dhaqaalo yaraan daran oo ku soo wajahda xilliyada sicir-bararka.