Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Afar qodob oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga digay madaxda dowlad gobaleedyada

    Afar qodob oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga digay madaxda dowlad gobaleedyada

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 25, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed laguna faafiyey Bogga Facebooka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo bartiisa gaarka ah ayuu baaq ugu diray madaxda dowlad gobaleedyada dalka, isaga oo uga digay in aysan siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dowlad gobaleedyada uga digay afar qodob in aysan siyaasadeyn kuwaas oo kala ah;  midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka

    Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha labada jeer loo doortay xafiiska ugu sarreeya ee dalka ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in uu ku guuleystay muddadii uu xafiiska joogay; dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn cafinta.

    Warsaxaafadeedka uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa sida tan:-

    Markii la i doortay 15-kii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee  kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa  mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada  si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

    Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay,  qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

    Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

    Waxaan si gaar ah  hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo  xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

    Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.

    Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.