Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Abiy Axmed oo xabsiga ka sii daayey madaxweynihii degaanka Soomaalida Cabdi Iley

    Abiy Axmed oo xabsiga ka sii daayey madaxweynihii degaanka Soomaalida Cabdi Iley

    By radiohalgan.comMarch 14, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynahii hore ee deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Candi Iley) ayaa maanta laga sii daayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib muddo lix sano ku dhow oo halkaas uu ku xiraa.

    Bishii Ogoosto ee sanadkii 2018-kii ayaa xabsiga loo taxaabay Cabdi Iley, Iskendir Gezhne oo ah qareenka Cabdi Iley ayaa ayaa sheegay dacwad oogaha guud ee kiiska Cabdi Iley uu ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.

    Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay shan sano iyo shan bilood ka hor, kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hadda la daalaa dhacaya fashil ka heysta gudaha dalka iyo siyaasadda caalamka, waxaana xaalka Abiy uga sii daray damacii uu qarsa waayey ee ka soo galay badda Soomaaliya.

    Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga galabta oo khamiis ah ayaa laga sii daayey, balse ma aana maqal wax codsi ah oo xeer ilaalinta uu u jeediyay,” ayuu qareenkii Cabdi Iley oo warbaahinta xogtaan siiyey.

    Dad kale oo la xiraa Cabdi Iley, markii horana ka tirsanaa xukuumadiisa ayaa sidoo kale xabsiga Addis Ababa laga sii daayey maanta, dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkii tacadiyada badan geystay ee Cabdi Iley.

    Waxyaabaha ay horay dacwado oogayaashu ugu soo eedeyn Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ka mid ahaa in uu ku lug lahaa abaabul dhallinyrada β€˜Heego’ – oo sida la sheegay dhibaato ka abuuraysay deegaanka, intii uu joogay xukunka.

    Sidoo kale Cabdi Iley waxaa lagu soo oogay in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeed oo lagu burburiyay rabshado ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.

    Dadka maanta lala sii daayey Cabdi Iley waxaa ku jiray wiil loo heystay kufsi gabar Itoobiyaan ah loo geystay sanadkii 2018-kii, wiilkaas waxaa la sheegay in markii la xiray uusan qaangaar aheyn.

    Warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa maanta lagu sii daayey Cabdi Iley iyo dhowr qof oo markii hore lala xiray, go’aanka sii deynta maxaabiistaas waxaa toos u fulisay xeer ilaalinta Itoobiya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

    January 31, 2026

    Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

    April 10, 2024

    Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

    April 9, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.