Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Abiy Axmed oo sameystay koox sir ah oo u disha dadka ka horyimaada siyaasadiisa

    Abiy Axmed oo sameystay koox sir ah oo u disha dadka ka horyimaada siyaasadiisa

    By radiohalgan.comFebruary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, maamulka Abiy Axmed ayaa sameystay guddi qarsoodi ah oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu balaaran Ethiopia ee Oromada, kuwaas oo u qaabilsan khaarijinta mucaaradka dowladda, si meesha looga saaro dadka Abiy ku kacsan.

    In ka badan 30 mas’uul oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulada hoose ee dalkaas, xukaamta maxkamadaha, qareenada iyo dhibbanayaasha oo la hadlay wakaaladda ayaa qiray jiritaanka kooxdan qarsoodiga ah oo lagu magacaabo KOREE NAGEENYAA oo micinaheedu yahay guddiga nabad geliyada, kuwaas oo shaqo bilaabay bilo kadib, markii uu xukunka Ethiopia la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018-kii.

    Shan sarkaal oo isugu jira kuwa xilka ka haya maamulka Abiy iyo kuwo hore ayaa sheegay in kooxdan ay laf-dhabar u tahay dagaalka Abiy uu kula jiro jabhadda xornimo doonka Oromiya ee OLA loo soo gaabiyo.

    Si looga takhaluso dhaq-dhaqaaqa Oromada, waxaa hoggaanka kooxda qarsoodiga ah loo dhiibay shan sarkaal oo ka soo jeeda Oromada, kuwaas oo ku jira maamulka Abiy.

    Qowmiyadda Oromada ayaa muddo dheer qabtay tabasho ku aadan in loo dulmiyay siyaasad iyo dhaqanka ahaan, waxayna doonayaan in ay helaan xoriyad balaaran.

    Sanadkii 2019-kii ayaa waxaa gobolka Oromiya ka qarxay rabshado sababay barakaca boqolaal kun oo shacab ah, dowladda Abiy ayaa ku eedeysay in qul-qulatooyinkaas ay ka dambeeyeen dhaq-dhaqaaqa OLA, Jabhaduna waa ay beenisay eedaas.

    Rabshadahaas dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Milkessa Gemechu oo ka tirsanaa guddiga dhexe ee xisbiga Abiy ee BARWAAQO.

    Dadka sida dhow ula socday howlgalada kooxda qarsoodiga ee KOREE NAGEENYAA ayaa sheegay in daraasiin dad ah dilkooda la amray, isla markaana la xir-xirey boqolaal ruux oo kale, waxaana kamid ah xasuuqii loo geystay 14 qof oo xoolo dhaqato ahaa2021-kii, dhacdadaas oo dowladdu ku eedeysay in ay dagaalyahnada OLA ka dambeeyeen.

    Cadeymaha Reuters soo uruurisay ayay hor dhigtay guddiga qaran ee xuquuqul Insaanka Ethiopia, agaasimaha guddiga Daniel Bekele ayaa qirey jiritaanka kooxda qarsoodiga ah oo Abiy ku beegsado shacabka siyaasadiisa ka soo hor jeeda.

    Xafiiska Abiy iyo is maamulka Oromada labaduba way diideen in ay ka hadlaan eedeymaha loo soo jeediyay oo ah xasuuuqa shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Addis Ababa.

    Kulamada kooxdan qarsoodiga ah ayaa ka dhici jirey ama lagu qaban jirey xafiiska Xisbiga Abiy ku leeyahay Oromiya,agaasimihii hore ee xafiiska Abiy Shimelis Abdisa ayaa hogaaminaya Oromiya, ninkan ayaa xubin ka ah kooxda, waxaa kale ku jira Fekadu Tessema madax xisbiga Abiy ee Oromiya, madaxa nabad geliyadaArarsa Merdasa iyo saraakiil kale oo ka tirsan siyaasadda iyo ammaanka gobolka Oromiya.

    Xasuuqa qabaa’ilka la-taliye hore ee madaxweynaha, sida maamulka Oromiya Shimelis waxaa uu Reuters u sheegay in dilalka iyo xarigga dadka bartilmaameedka ah ay bixin jireen madaxweynaha Oromiya ama taliyaha booliiska gobolka ee Ararsa sida xasuuqii dhacay December 2021.

    Dilkaas ayay dowladdu ku sheegtay in uu la xiriiro khilaaf gudaha ah, balse Reuters ayaa daboolka ka qaatay in dowladdu qarisay xaqiiqada sida ay wax u dhaceen, sida ay ku warameen dad goobjoog ahaa.

    November 30, 2021 dagaalyahnada OLA ayaa dilay 11 kamid ah ciidanka booliska Itoobiya ka tirsanaa, halka 17 kale ay dhaawaceen kadib weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay dooxada weyn ee Rift Valley ee dalka Itoobiya.

    Madaxda gobolka iyo kuwa ammaanka deegaanka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa dad shacab ah oo ay ku jiraan madax dhaqameed ku leeyahay ayagoo ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin jabhadda OLA.

    Kooxda qarsoodiga ah oo Abiy Axmed u sameystay sidii uu xukunka ku joogi lahaa ayaa waxaa ay meelo qarsoodi ah ku xireen in ka badan 1006 qof, intii u dhexeysay sanadihii 2019 ilaa Maarso 2022-kii.

    Warbixin guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Ethiopia ay soo saareen 2021-kii, waxay ku sheegeen in ay wareysteen 281 maxbuus oo ku kala xirnaa xabsiyo ku kala yaala 21 saldhig boolis oo ku firirsan guud ahaan gobolka Oromiya ayaa sheegay in kooxda Abiy ay hor istaageen in ay cadaalad helaan.
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

    January 31, 2026

    Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

    April 10, 2024

    Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

    April 9, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.