Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

    May 13, 2025

    DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

    May 13, 2025

    Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

      May 13, 2025

      Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

      May 13, 2025

      Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa markale weerar afka ah kuqaaday madaxweynaha Jubbaland

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

      May 13, 2025

      Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

      May 13, 2025

      TACSI Waxaa hadda iso gaartay Geerida Allah ha u naxariste Adeer Abdikadir Aadam Geddi. (cantoob)

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Abiy Axmed oo sameystay koox sir ah oo u disha dadka ka horyimaada siyaasadiisa

    Abiy Axmed oo sameystay koox sir ah oo u disha dadka ka horyimaada siyaasadiisa

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, maamulka Abiy Axmed ayaa sameystay guddi qarsoodi ah oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu balaaran Ethiopia ee Oromada, kuwaas oo u qaabilsan khaarijinta mucaaradka dowladda, si meesha looga saaro dadka Abiy ku kacsan.

    In ka badan 30 mas’uul oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulada hoose ee dalkaas, xukaamta maxkamadaha, qareenada iyo dhibbanayaasha oo la hadlay wakaaladda ayaa qiray jiritaanka kooxdan qarsoodiga ah oo lagu magacaabo KOREE NAGEENYAA oo micinaheedu yahay guddiga nabad geliyada, kuwaas oo shaqo bilaabay bilo kadib, markii uu xukunka Ethiopia la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018-kii.

    Shan sarkaal oo isugu jira kuwa xilka ka haya maamulka Abiy iyo kuwo hore ayaa sheegay in kooxdan ay laf-dhabar u tahay dagaalka Abiy uu kula jiro jabhadda xornimo doonka Oromiya ee OLA loo soo gaabiyo.

    Si looga takhaluso dhaq-dhaqaaqa Oromada, waxaa hoggaanka kooxda qarsoodiga ah loo dhiibay shan sarkaal oo ka soo jeeda Oromada, kuwaas oo ku jira maamulka Abiy.

    Qowmiyadda Oromada ayaa muddo dheer qabtay tabasho ku aadan in loo dulmiyay siyaasad iyo dhaqanka ahaan, waxayna doonayaan in ay helaan xoriyad balaaran.

    Sanadkii 2019-kii ayaa waxaa gobolka Oromiya ka qarxay rabshado sababay barakaca boqolaal kun oo shacab ah, dowladda Abiy ayaa ku eedeysay in qul-qulatooyinkaas ay ka dambeeyeen dhaq-dhaqaaqa OLA, Jabhaduna waa ay beenisay eedaas.

    Rabshadahaas dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Milkessa Gemechu oo ka tirsanaa guddiga dhexe ee xisbiga Abiy ee BARWAAQO.

    Dadka sida dhow ula socday howlgalada kooxda qarsoodiga ee KOREE NAGEENYAA ayaa sheegay in daraasiin dad ah dilkooda la amray, isla markaana la xir-xirey boqolaal ruux oo kale, waxaana kamid ah xasuuqii loo geystay 14 qof oo xoolo dhaqato ahaa2021-kii, dhacdadaas oo dowladdu ku eedeysay in ay dagaalyahnada OLA ka dambeeyeen.

    Cadeymaha Reuters soo uruurisay ayay hor dhigtay guddiga qaran ee xuquuqul Insaanka Ethiopia, agaasimaha guddiga Daniel Bekele ayaa qirey jiritaanka kooxda qarsoodiga ah oo Abiy ku beegsado shacabka siyaasadiisa ka soo hor jeeda.

    Xafiiska Abiy iyo is maamulka Oromada labaduba way diideen in ay ka hadlaan eedeymaha loo soo jeediyay oo ah xasuuuqa shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Addis Ababa.

    Kulamada kooxdan qarsoodiga ah ayaa ka dhici jirey ama lagu qaban jirey xafiiska Xisbiga Abiy ku leeyahay Oromiya,agaasimihii hore ee xafiiska Abiy Shimelis Abdisa ayaa hogaaminaya Oromiya, ninkan ayaa xubin ka ah kooxda, waxaa kale ku jira Fekadu Tessema madax xisbiga Abiy ee Oromiya, madaxa nabad geliyadaArarsa Merdasa iyo saraakiil kale oo ka tirsan siyaasadda iyo ammaanka gobolka Oromiya.

    Xasuuqa qabaa’ilka la-taliye hore ee madaxweynaha, sida maamulka Oromiya Shimelis waxaa uu Reuters u sheegay in dilalka iyo xarigga dadka bartilmaameedka ah ay bixin jireen madaxweynaha Oromiya ama taliyaha booliiska gobolka ee Ararsa sida xasuuqii dhacay December 2021.

    Dilkaas ayay dowladdu ku sheegtay in uu la xiriiro khilaaf gudaha ah, balse Reuters ayaa daboolka ka qaatay in dowladdu qarisay xaqiiqada sida ay wax u dhaceen, sida ay ku warameen dad goobjoog ahaa.

    November 30, 2021 dagaalyahnada OLA ayaa dilay 11 kamid ah ciidanka booliska Itoobiya ka tirsanaa, halka 17 kale ay dhaawaceen kadib weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay dooxada weyn ee Rift Valley ee dalka Itoobiya.

    Madaxda gobolka iyo kuwa ammaanka deegaanka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa dad shacab ah oo ay ku jiraan madax dhaqameed ku leeyahay ayagoo ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin jabhadda OLA.

    Kooxda qarsoodiga ah oo Abiy Axmed u sameystay sidii uu xukunka ku joogi lahaa ayaa waxaa ay meelo qarsoodi ah ku xireen in ka badan 1006 qof, intii u dhexeysay sanadihii 2019 ilaa Maarso 2022-kii.

    Warbixin guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Ethiopia ay soo saareen 2021-kii, waxay ku sheegeen in ay wareysteen 281 maxbuus oo ku kala xirnaa xabsiyo ku kala yaala 21 saldhig boolis oo ku firirsan guud ahaan gobolka Oromiya ayaa sheegay in kooxda Abiy ay hor istaageen in ay cadaalad helaan.
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025

    Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

    May 12, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

    May 13, 2025

    DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

    May 13, 2025

    Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.