Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Illey) ayaa dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib muddo lix sano ku dhow oo halkaas uu ku xirnaa.
Sii deynta Illey ayaa waxaa ku timid amar uu bixiyay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, ayada oo si weyn loogu dhaliilay go’aanka uu xabsiga uga sii daayay ninkaan.
Cabdi Illey ayaa xabsiga loo taxaabay shan sano iyo shan bilood ka hor, kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo hadda la daalaa dhacaya fashil ka heysta gudaha dalka iyo siyaasadda caalamka.
Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa rajo xumo weyn ka muujisay sii daynta Cabdi Illey, oo loo haystay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
“Go’aanka xabsiga lagaga sii daayay (Cabdi Illey) wuuxu caqabad weyn ku yahay soo afjarida isla xisaabtan la’aanta dambiyada ay ku lug leeyihiin saraakiisha sare,” ayuu yiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha fulinta ee kooxda u ololaynta xuquuqda aadanaha.
Human Rights Watch ayaa horey ugu eedeysay Cabdi Illey in isagoo adeegsanaya Liyuu Booliska uu geystay xad-gudubyo xun-xun oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan dil, jirdil iyo kufsiga iyo sidoo kale aargoosiga ka dhanka ah bulshada deegaanka.
Sidoo kale Cabdi Illey ayaa waxa horey loogu soo oogay in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeed oo lagu bur-buriyay rabshado ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.
Si kastaba, Warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa toddobaadkii tegay lagu sii daayey Cabdi Illey iyo dhowr qof oo markii hore lala xiray, ayada go’aanka sii deynta ay toos u fulisay xeer ilaalinta Ethiopia.