Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dhaqdhaqaaq ka dhan ah ‘AS’ waxa ay ka wadaan Deegaanno katirsan Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidankaan ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in ay qabsadaan deegaannada ay weli joogaan ‘AS’ ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida ay hadalka u dhigeen.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Macallin Maxamuud ayaa sheegay in uu socda abaabulkaan ciidan isla markaana dhowaan si toos ah u bilaaban doonno howlgalka.
Waxa uu sheegay in ciidamadu ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigeen deegaannada ka maqan si loo gaarsiiyo adeegyada Dowladda ee Bulshada halkaas ku sugan ay u baahan tahay sida uu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
Madaxda sare Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Hoggaanka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhowaan tegay deegaanno katirsan Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS.