Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka.
Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha.
“Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal shacab ah uu kula tukaday salaadii ciidda.
Aadan Madoobe ayaa sheegay dalku uu ku socdo jihadii ugu fiicneed, isagoo tusaale u soo qaatay guulo ay ku jirto deyn cafintii, kuwaas oo la gaaray intii ay xukunka joogeen isaga iyo Xasan Sheekh.
“Dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in dowladda iyo madaxda ay u nasteexeeyaan oo garab istaagaan oo dowladnimada xafitaan, sidaas ayaa lagu wada guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maauuliyadda uu marba qof heynayo oo dadka dhan aysan masuul halmar wada noqon karin.
“Umadda Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay oo ka maqan in iftiinka dowladnimo ee maanta baxaya ay gacanta ku qabsadaan oo khilaafaadka dhan meel la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Aadan Madoobe.