Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sida ay ogaatay Radio Halgan oo waxaa mas’uulkan xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo watay laba gaari, waxayna ka kaxeeyeen garoonka Aadan Cadde.
Cabdifitaax ayaa kahor inta aan la xirin kusii jeeday magaalada Beledweyne, balse waxaa laga hor istaagay safarkiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu goor sii horeysay soo saaray.
“Anigoo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Abdifatah Hassan Afrah waxaan saaka ku socday safar aan ku aadayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saraakiisha amaanka gaar ahaan hay’adda nisa waxey igu wargeliyeen in uu yaallo amar ah inaan safarkeyga sii wadan karin ee leydiiday inaan safro” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.
ABDIFATAH HASSAN AFRAH AYAA YIRI
ANIGOO AH GUDDOOMIYIHII HORE EE GOBOLKA HIIRAAN ABDIFATAH HASSAN AFRAH WAXAAN SAAKA KU SOCDAY SAFAR AAN KU AADAYAY MAGAALADA BALADWEYNE EE XARUNTA GOBOLKA HIIRAAN,
SARAAKIISHA AMAANKA GAAR AHAAN HAY’ADDA NISA WAXEY IGU WARGELIYEEN IN UU YAALLO AMAR AH INAAN SAFARKEYGA SII WADAN KARIN EE LEYDIIDAY INAAN SAFRO.
HADDABA WAXAAN LA WADAAGAYAA DHAMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED, CAALAMKA IYO CID KASTA AY KHUDEYSO IN AY TAHAY XADGUDUB QAAWAN IYO COLAADIN IGA DHAN AH EE AY KU KACAYSO DOWLADDA SOOMAALIYEED WAANA WAX KA BAXSAN SHARCIGA IYO QAANUUNKA DALKA ISLAMARKAANA GAF KU AH SHARAFTAYDA IYO MUWAADIN KASTA EE SOOMAALIEED.
WAXAAN CAMBAARAYNAYAA FALKAAS WAXII FICILO AH EE KA DHASHA XUMAANTA FALKA LAYGULA KACAYNA WAXAA MASUUL KA AH DOWLADDA FADARAALKA SOOMAALIYA.
Mahadsanidiin.
GUDDOOMIYE ABDIFATAH HASSAN AFRAH.