Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Miisaaniyadda Somaliland 2024 iyo Waxyaabaha lacagta ugu badan loo qoondeeyay

    Miisaaniyadda Somaliland 2024 iyo Waxyaabaha lacagta ugu badan loo qoondeeyay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 5, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka socda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida.

    Ansixinta miisaaniyadda ayaa dib uga dhacday xilliga caadiga ah oo ay ahayd dhammaadka bishii Diseembar, iyada oo sidoo kale sanadkan hoos ugu dhacday shan boqolkiiba, iyada oo ay gaareyso miisaaniyadda sanadkan 3,432,316,337,448 SLsh.

    Lacagtaas ayaa isugu jirta deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah, iyo dakhliga gudaha ee ay ururiso Somaliland.

    Miisaaniyadan ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaran.

    Halka ayay ka imaanaysaa lacagta ugu badan ee miisaaniyadda

    Lacagta miisaaniyadda Somaliland waxay isugu jirtaa deeqo iyo mashaariic ka imaanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo dakhliga gudaha ee ay dowladdu aruuriso.

    Baanka Adduunka oo keliya ayaa waxa uu ka fulinayaa Somaliland mashaariic waa weyn oo ku kacaya $14,402,350,20 oo doolar oo qeyb ka ah miisaaniyadda guud.

    Lacag kale oo dhan Sadex Milyan iyo Shan boqol oo kun oo dollar ($3,500,000.00) waxa uu Baanka Adduunka ku bixin doonaahorumarinta Maamulka khayraadka guud ee Somaliland. Lacagtaas waxay si gaar ugu baxaysaa mashruuca Abaartire oo loogu talogalay la tacaalida xaalada abaaraha.

    $ 1,666,030 Una dhiganta 11,662,210,000 Shl, mashruucan ayaana sida miisaaniyadda ku xusan diiradda saari doona horumarinta kaabayaasha biya iyo sidoo kale kobcinta aqoonta iyo xirfada biyaha dhulka hoostiisa mara

    Waxaa miisaaniyadda Somaliland qeyb ka ah lacag deeq ah oo ay bixinayaan hay'addo caalami ah

    XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

    Lacagta ugu badana halkee ayay ku baxaysaa?

    Miisaaniyadda guud ee Somaliland ayaa 40.65% loo qoondeeyay arrimaha amaanka oo kala badh miisaaniyadda Somaliland noqonaya. Lacagtaas oo dhan 1,029,187,493,371 SLSH. Qoondadan ayaa 11.57% ka badan miisaaniyadda sanadkii hore ee Somaliland.

    Difaaca Somaliland, xoojinta ciidamada Somaliland iyo difaaca ayayna miisaaniyaddu ku bixi doontaa.

    Kharashka labaad ee miisaanidda Somaliland 19.60% oo u dhiganta 496,137,740,902 SLSH waxuu ka baxayaa maamulka oo lagu sheegay in diiradda lagu saari doono aqoonsi u raadinta Somaliland, qabashada doorashooyinka, sharci dajinta iyo maamul daadajinta.

    Qoondada waxbarashada ayaa isna noqnaya 7.12% miisaaniyadda guud ee Somaliland, taas oo u dhiganta 180,369,649,431 Shilinka Somaliland.

    Horumarinta Iskuulada farsamada gacanta, dhammaystirka dhismayaasha jaamacadaha iyo joogteynta adeegyada waxbarashada dugsiyada ayayna miisaaniyaddani muhiimad siinaysaa.

    Caafimaadka ayaa qoondo 5.18% ka noqonaya miisaaniyadda guud ee Somaliand una dhiganta a 131,085,403,428 Shilinka Somaliland ah.

    Wasaaradahee lacagta ugu badan helay?

    Wasaaradda Gaashindhigga oo difaacuna ku jiro ayay ku baxaysaa miisaaniyad dhan 461,328,478,557 SLSH oo guud ahaan ka noqonaysa miisaaniyadda 18.22%.

    Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayay tahay qoondada miisaaniyadeedu 320,007,202,456 SLSH oo marka qoondada miisaaniyadii 2023 la eego wax ka dhimis 26.99% ah lagu sameeyay.

    Wasaaradda Jidadka iyo Horumarinta Waddooyinka ayaa qoondada miisaaniyadda ka heshay lacagta ugu badan, iyada oo noqonaysa wasaaradda saddexaad ee ugu miisaaniyadda badan.

    Waxay miisaaniyadeedu tahay 38,887,003,455 SLSH taas oo miisaaniyadda guud ee Somaliland ka ah 1.54% hoos na uga dhacday qoondada sanadkii hore 23.96%.

    Miisaaniyadda ku baxaysa dowladaha hoose ee qoondada sanadka 2024 ee Somaliland ayaa 7% hoos u dhacay sanadkan marka la barbardhigo sanadkii hore ee 2023dii.

    Waxaa sidoo kale qoondada ka maqan magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Laascaanood, oo laga dhisay mamaul cusub oo Khaatumo State la yiraahdo kadib dagaalo bilooyin ka socday oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo beelaha deegaanka.

    Waxaa sidoo kale miisaaniyadda sanadkan ee Somaliland aan waxba ka helin degmooyinka kale ee Xudun iyo Buuhoodle oo la la xiriirinayo maamulka Khaatumo ee fadhigiisu yahay Laascaanood.

    Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Borama iyo Burco oo ah derajada “A” ee dowlada Hoose ayaa laga diray miisaaniyadda, sida caadiga ah, iyaga oo heli doona qoondadooda.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dabley hubeysan oo laba ruux ku dilay magaalada matabaan duleedka

    May 6, 2025

    Wararkii u dambeeyay dagaal ka dhacay Aboorey iyo dhaqdhaaqyo ka socda deegaankaas

    April 23, 2025

    Dhageyso:-Dhagaweyne oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa beeniyay warar shaqsiyaad u adeega Argagixisada baraha bulshada ku baahiyeen

    February 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.