Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

    May 8, 2025

    Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

    May 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

      May 8, 2025

      DEG DEG Ciidamada Amaanka Baladweyne ayaa Goordhow toogtay Nin As Aha

      May 7, 2025

      Puntland oo soo iibsatay diyaarado nuuca dagaalka ah

      May 7, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      Turkiga oo hawadiisa u diiday dayuurad siday Madaxweynaha Israel

      May 5, 2025

      Heyadda WHO oo qarka u saaran in albaabada loo laabo

      May 3, 2025

      Shacabka Gasa oo bilaabay iney u dhintaan Gaajo & nafaqo daro

      May 3, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

      May 8, 2025

      DEG DEG Ciidamada Amaanka Baladweyne ayaa Goordhow toogtay Nin As Aha

      May 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaad ka taqaanaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Itoobiya?

    Maxaad ka taqaanaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Itoobiya?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bishii August 2021, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa safar ku teggay dalka Turkiga xilli uu xulufo cusub ka samaysanaayay adduunka, xilligaas waxay Itoobiya la daaladhacaysa dagaalkii ka socday gobolka Tigray.

    Tagitaankiisii Ankara waxuu noqday mid midho dhal ah waxuuna la kulmay madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Dayip Erdugan, halka labada Wasiir ee Gaashaandhig ee dalalkanina ay kala sixiixdeen Iskaashi ciidan iyo mid dhaqaale.

    Heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Turkiga qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa: Tababarka iyo waxbarashada ciidamada, warshadaha ka shaqeeya agabka difaaca, isdhaafsiga xogaha sirdoon, xidhiidhka danabaysan, hababka macluumaadka iyo difaaca internetka iyo isweydaarsiga aqoonta ciidamada.

    Heshiiskan waxaa Itoobiya u saxiixay Wasiirka Difaaca Itoobiya Dr. Kenea Yadeta dhanka, Turkigana waxaa u saxiixay Wasiirka Difaaca Qaran, Hulusi Akar oo ahaa Taliyahii hore ee ciidamada Turkiga, intuu xilkaan taliyaha hayayna ahaa kii xadhigga ka jaray saldhigii ugu weynaa ee Turkigu ku yeeshay meel ka baxsan dalkiisa oo ah caasimadda Soomaaliya, Muqdisho. Saldhigaas ayaa waxaa ku baxay lacag dhan $50 Milyan oo Doolar.

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad leh meel mariyay heshiiskaas bishii May 17 keedii, sanadkii 2022 kii.

    Dhanka kale, sannadkii 2023 kii bishii April 13keedii barlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay heshiiska.

    Booqashadii Abiye ee kuu teggay Ankara waxay noqotay mid uu mahadiyo oo uu kusoo helay saanad ciidan oo ay ugu muhiimsanyahiin diyaaraddaha Bayraktar oo saamayn laxaadleh ka qaatay dagaalkii gobolka Tigray caana ka noqotay furimaha dagaalada, sida ay qortay wakaaladda Reuters.

    Erdogan and Hassan Sheikh

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Xidhiidhka Itoobiya iyo Turkiga

    Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Itoobiya waa mid kasoo bilowda sanadkii 1896 dii xilligaas oo ah xukunkii Cabdixamiid kii Labaad ee Turkiga iyo Boqor Mililikhii labaad ee Itoobiya.

    Safaaradii Afrikada saxaraha ka hooseysa ee ugu horreysay uu Turkigu ka dhistay ayaa laga furay magaalada Addis Ababa sanadkii 1926 kii, Itoobiyana waxay safaaradeeda ka furatay Turkiga 1933 dii taas oo uu taliskii Shuuciga ah ee Dergi xidhay 1986 dii balse dib loo furay 2006-dii.Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa tegay Itoobiya 2015 kii

    Qiyaastii 200 oo shirkadood oo Turki ah ayaa gudaha Itoobiya ka shaqeeya, iyaga oo shaqo abuur u sameeyay in ka badan 30,000 oo Itoobiyaan ah, sida ay sheegayso warbixin laga qoray. Maalgelinta Turkigu gudaha Itoobiya ku sameeyaynso waxay kor u dhaafaysaa 2.5 Bilyan oo Doolar siday sheegtay Wasaaradda Dhaqaalaha Turkiga. Waana maalgashadaha labaad ee waddanka.

    Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

    Bilowgii sanadkaan ayaa waxaa ay dawladda Itoobiya heshiis la gashalay Somaliland oo aan wadamada caalamka ka haysan aqoonsi madax banaanideeda ah.

    Heshiiska oo digayay in 20 kiili mitir oo dhul xeebeed ah laga kireeyo Itoobiya sida ay sheegeen labada dhinac ayaa waxa si wayn uga carooday Soomaaliya oo sheegtay “in aysan sax ahayn in Itoobiya ay heshiis la gasho Somaliland”.

    Iyada oo murankaas jiro ayaa todobaadkaan waxaa heshiis milatari iyo dhaqaale uu dhexmaray dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga.

    Erdogan iyo Hassan Sheekh

    XIGASHADA SAWIRKA,AA

    Turkiga iyo heshiiska difaac ee uu la galay Soomaaliya

    Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

    Heshiiskaan ayaa dhigaya in toban sanno u Turkigu biyaha Soomaaliya ilaalin doono, sidoo kalena dhisi doono Ciidamadda Badda ee Soomaaliya. Turkigu waa awoodda labaad ee NATO marka laga yimaado Maraykanka waxuuna Soomaaliya ka caawinaayay dhismaha ciidamada.

    Soomaaliya iyo Itoobiya oo labada uu Turkigu la galay heshiis iskaashi ciidan iyo mid dhaqaale waxaa dhexdooda ka taagan xiisad siyaasadeed oo halka ay ku dami doonto aan la saadaalin karin.

    Hadaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah sideebaa Turkigu isugu wadi karaa in labadaan xiriir ee mid waliba salka ku hayo difaaca iyo ciidamada.

    ‘‘Taageerada uu Turkigu taageeraayo Soomaaliya waa mid uu kasoo baaraan degay oo masaaliixdiisa uu ku salaynaayo, umana malaynaayo labo diyaaradood oo turkigu leeyahay dagaal in ay isku qaadi doonaan’’ ayuu qabaa Mursal Saneey oo ah Agaasimaha Machadda Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

    May 8, 2025

    Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

    May 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

    May 8, 2025

    Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

    May 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.