Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

    May 8, 2025

    Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

    May 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

      May 8, 2025

      DEG DEG Ciidamada Amaanka Baladweyne ayaa Goordhow toogtay Nin As Aha

      May 7, 2025

      Puntland oo soo iibsatay diyaarado nuuca dagaalka ah

      May 7, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      Turkiga oo hawadiisa u diiday dayuurad siday Madaxweynaha Israel

      May 5, 2025

      Heyadda WHO oo qarka u saaran in albaabada loo laabo

      May 3, 2025

      Shacabka Gasa oo bilaabay iney u dhintaan Gaajo & nafaqo daro

      May 3, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

      May 8, 2025

      DEG DEG Ciidamada Amaanka Baladweyne ayaa Goordhow toogtay Nin As Aha

      May 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Hogaanka Rugta ganacsiga Soomaaliyed oo lagu eedeeyey dayac & xil gudasho la’aan

    Hogaanka Rugta ganacsiga Soomaaliyed oo lagu eedeeyey dayac & xil gudasho la’aan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    OLYMPUS DIGITAL CAMERA
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekeda Muqdisho ayaa ka cabanaya lacago sharci daro ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay badeecadaha ay kala soo degaan taasoo ka baxsan lacagihii ku waajibay ee canshuuraha ahaa.

    Arrintan ayaa sababtay in maalmahan ay hakad galaan howlihii ka socday dekeda Muqdisho sababo la xiriira diidmo ganacsatadu ka muujiyeen lacagaha la soo rogay iyo ismari waa ka dhashay.

    Ganacsatada ayaa sheegay iney bixiyeen canshuurta ku waajibtay, lacagahana ay yihiin kuwo sharci daro ah oo ku dhacaya jeebka  shaqsiyaad ka tirsan Maamulka dekeda iyo ganacsato xiriir la leh dowlada.

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in lacagtan ay tahay mid lagu qaadayo qalab Scan ah oo la sheegay in lagu hubinayo badeecadaha Kontaynarada ku jira ee ka soo dega dekeda Muqdisho kaasoo aysan dowladu maamuleynin.

    Scan-kan oo dalka la keenay sanadkii 2018 ayaa la sheegay inuusan u shaqeyneynin sidii loogu talo galay, sababo la xiriira tayada shaqadiisa oo aad u hooseysa laguna kalsoonaan karin, hase ahaatee shaqsiyaadkan arrintan gadaal ka riixaya ayaa ka dhiganaya marnarsiiyo ay lacago ku qaataan.

    Shaqsiyaadka la sheegay in loo xiray mashruucan oo ay hormuud ka yihiin Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre & Maamulaha furdada dekeda Muqdisho Cismaan Maxamed Cadaawe ayaa lagu eedeeyey iney heshiis la galeen shirkadda Al Beyrak ee Maamusha dekeda Muqdisho si ganacsaduhu ugu qasbanaado inuu warqad fasax ah iyaga uga baahdo, uusana dekeda ugala bixin alaabtiisa xitaa hadii uu wato dokumentiga fasaxa gaadiidka iyo cadeynta inuu bixiyey canshuurta ku waajibtay.

    Ganacsatada ayaa talaabadan ku tilmaamay xanibaad sharci daro ah iyo in shaarkii dowlada ay ugu awood sheeganayaan ganacsato kale iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada oo u heshiiyey, waxayna intaas ku dareen iney cabashadooda gaarsiiyeen Wasaarada dekedaha balse aysan jirin illaa hadda cid wax la qabatay.

    Dhowaan ayey aheyd markii uu sidan oo kale xirmay suuqa Bakaaraha iyo suuqyo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ka dib markii lacago bille ah uu ku soo rogay maamulka Gobolka Benaadir, kuwaasoo ka baxsan canshuuraha ay bixiyaan.

    Maamulka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyey inuu gabay waajibaadkii ka saarnaa inuu wax ka qabto caqabadaha soo wajaha ganacsatada, taas bedelkeedna ay qeyb ka yihiin dhibaatada lagu hayo saaxiibadood ay isku mihnada yihiin.

    “Rugta ganacsiga Soomaaliyeed waxaa 30 sano ka badan xaaraan ku heysta Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre iyo koox ka tirsan ganacsatada oo ku dhow isaga kuwaasoo danahooda gaarka ah ku fushada, meelna iska dhigay iney ka shaqeeyaan danaha ganacsatada ay magacooda huwan yihiin” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo magaciisa ka gaabsdaday in la soo xigto.

    Maamulaha furdada dekeda Muqdisho Cismaan Maxamed Cadaawe
    Maamulaha furdada dekeda Muqdisho Cismaan Maxamed Cadaawe

    Waxyaabaha lagu eedeynayo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo gudoomiyahooda Gabeyre waxa ka mid ah iney gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, ayna dayaceen adeegyadii rugtu u heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

    Dowlada Soomaaliya iyo Rugaha ganacsiga dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa marar badan isku dayey in meesha laga saaro Gudoomiye Gabeyre oo lagu eedeeyey ku takri fal, waxqabad la’aan iyo ficilo lidi ku ah isla ganacsatadii uu magacooda sheeganayey.

    Gudoomiye Gabeyre ayaa la sheegay inuu ka hor tagay talaabooyinkaas xilka looga qaadi rabay isagoo adeegsanaya awood qabiil iyo garab uu ka helay saaxiibo uu ku leeyahay madaxda sare ee dowlada, wuxuuna khilaaf iyo iyo kala qeybin ka dhex abuuray ganacsatada si uu xilka u sii heysto, loona qaban doorasho xalaal ah.

    Gabeyre iyo kooxdiisa waxay gaareen in qeyb laga siiyo canshuurta ganacsatada loogu qaado dekeda Muqdisho si ay u caburiyaan saaxiibadood ganacsatada kale, uguna qasbaan fulinta lacagaha sharci darada ah ee la saaro taasoo sababtay in ganacsatadu ay waayaan cid u dooda xuquuqdooda, kalana shaqeysa ka hor taga xad gudubyada sharci darada ah.

    Sanado ka hor ayey aheyd markii Ganacsatada Muqdisho ay si cad u sheegeen inaan la aqbali karin in canshuur laga qaaday ganacsato Soomaaliyeed lagu maal-galiyo ganacsato kale, iyaga oo intaa ku daray in arintan tahay mid baal marsan guud ahaan sharciga qaadista canshuuraha.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

    May 8, 2025

    Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

    May 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

    May 8, 2025

    Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

    May 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.