Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka labada heer ee Dowladda Federaalka kaas oo caasimadda ka socday saddex maalin, iyada oo laga soo saaray warmurtiyeed.
Shirwaynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee dowladda ayaa waxaa ka soo qayb-galay Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowrayaasha maamul gobaleedyada Jubbaland Bashiir Maxamed Bahale, Galmudug Xaashi Cismaan Maxamed, Koofur-galbeed Maxamed Cumar Axmed iyo ku simaha Hantidhowraha Guud ee Hirshabelle Maryan Maxamuud Cumar.
Shirka ayaa muddadii uu socday ayaa lagu soo bandhigay istiraatiijiyadaha, hannaanka sharci iyo xeerarka ay ku howlgalaan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo kan maamul gobaleedyada, gunaanadka shirka ayaa laga soo saaray shantaan qodob:-
1. Maadaama Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS Iyo Xafiisyada Hantidhowrka DXDF ay yihiin xafiisyo farsamo oo ka shaqeeya hormarinta isla xisaabtanka, hufnaanta, daahfurnaanta iyo Dowlad wanaagga waxa ay hantidhowrada guud isla qaateen in laga wada shaqeeyo xaqiijinta howlahaas si wax ku ool ah oo ay kujirto danta labada heer ee Dowladda.
2. In Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo kaashanaya hay’adaha Dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah uu door wax ku ool ah ka qaato tayeynta iyo dhisidda xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ka hawigala Xafiisyada Hantidhowrka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
3. Shirka ayaa lagu dhisay guddi farsamo oo soo diyaariya qaabdhismeedka heshiiska iskaashiga (Cooperation Framework Agreement) kaas oo ay ku cad yihiin hannaanka wadashaqeynta iyo iskaashiga Xafiisyada Hantidhowradda Guud ee JFS lyo Xafiisyada Hantidhowrka DXDF.
4. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa wasaaradaha maaliyadda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ku booriyey in la xaqiijiyo lana joogteeyo miisaaniyadda xafiisyada Hantidhowrrada guud ee DXDF ayna helaan kab iyo gunnooyin ku filan si ay xafiisyadaasi ugu fududaato gudashada waajibaadkooda shaqo iyo horumarinta dowlad wanaagga.
5. In la is waafajiyo sharuucda Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee JFS.
Ugu dambeyn, Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Xafiiska hantidhowrka Guud ee JFS diyaarinta iyo qabsoomidda shirkaan muhiimka ah. Sidoo kale Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiisyada Hantidhowrka DXDF ayaa ka mahadceliyey kaalinta EU ee qabsoomidda Shirkan.