markaana dhaqaalaha ugu badan ka hesha dalka Imaaraadka Carabta ayaa muddo bilo ah ka hawlgalaysay marinka Qaza.
Masuuliyiinta Qubrus ayaa iskaashi kala sameeyey Israaβiil, sidii loo yagleeli lahaa, marin badeed ammaan ah oo la soo mariyo cuntooyin iyo agab kale oo la sii hubiyey ka hor inta aan loo dirin Qaza.
Maraykanka ayaa dhinaciisa ka fekeraya inay hirgeliyaan, deked sabbaysa oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay in laga dejin karo gargaarka loo wado qaza. Dekeddan ayaa la filayaa inay dhamaato ka hor bilawga bisha May ee soo socota.
Hayβadaha samafalka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in gargaar biniβaadanimo laga geeyo dhinaca badda, hase ahaatee waxay ku boorriyeen Israaβiil inay fududayso in gargaar dheeri ah laga geliyo dhinaca dhulka.
Wasiirka arrimaha debedda ee Urdun Ayman Safadi ayaa sheegay in macaluusha laga cabsi qabo inay ka dillaacdo Qaza in si degdeg ah wax looga qaban karo haddii Israaβiil ay furto xuduudaha. Wasiirka ayaa arrintan ka dhawaajiyey, xilli uu shir jaraaβid la qabanayey wasiirada arrimaha debedda ee Masar iyo Faransiiska.
Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Israaβiil inay xannibayso gargaarka biniβaadnaimo ee la geynayo marinka Qaza. Inkasta oo ay Israaβiil eedahaas beenisay.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo inay maanta dib uga bilawdaan magaalada Qaahira, wadahadaladii u dhexeeyey Israaβiil iyo Xamaas ee ku aaddanaa sidii heshiis xabbad-joojin ah looga gaadhi lahaa dagaalka Qaza.
Netanyahu ayaa la kulmaya culays xooggan oo uga imanaya qoysaska la haystayaasha, kuwaas oo ku cadaadinaya in uu ogolaansho ballaadhan siiyo, xubnaha wadahadalada ku metelaya, si loosii daayo eheladooda lagu haysto Qaza.
Isha: VOA SOMALI

