Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » 35% Miisaaniyadda 2025 DFS ayaa ku bixin doonta; Caafimaadka, Amniga, Waxbarashada iyo Difaaca!

    35% Miisaaniyadda 2025 DFS ayaa ku bixin doonta; Caafimaadka, Amniga, Waxbarashada iyo Difaaca!

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comNovember 7, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kulan ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadka 2025-ka, taas oo gaareysa $1,342,476,311, iyada oo hal ku dhig loogu dhigay KU TIIRSANAANTA AWOODDEENA DAKHLI.

    Meelmarinta miisaaniyadda oo dood iyo falan qeyn ay ka yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la soo jeediyey in ay mushaar kordhin loo sameeyo ciidanka dowladda, balse soo jeedinta qaar ka mid ah Xildhibaannada waxaa qaadacay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

    Dooda Xildhibaannada ayaa salka ku haysay kor u qaadista mushaarka ciidanka dowladda, taas badalkeed Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in ciidanka qaar loo waayey mushaar, balse Wasaaradda waxa ay kor dhisay miisaaniyadda ku bixi jirtay ciidama Booliska iyo NISA, halka miisaaniyadda ciidanka Xoogga hoos ugu dhacday 7 Milyan, waxaana iyada wax iska badalin miisaaniyadda ciidanka Asluubta oo 2025 aan wax loo kordhin.

    Marka la eego qoondada Hay’adaha ee Miisaaniyadda sanadka 2025-ka, 35% ayaa loo qoondeeyey in ay ku baxda Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga iyo Difaaca, kuwaas oo dhammaantood la wada kordhiyey, marka laga reebo Difaaca oo hoos loo dhigay.

    Kutalagalka Miisaaniyadda Difaaca ee sanadka 2024 ayaa gaareysa $178,142,410, halka sanadka 2025-ka laga dhigay $171,002,350, taas oo la micnaha in uu jiro faraq dhan $7,140,060.

    Qarashaadka loo qoondeeyey Difaaca ayaa ku kala baxaya; Wasaaradda Gaashaandhiga oo loo qoondeeyey $3,732,795, qoondadooda Taliska Ciidanka Xooga Dalka ay gaareysa $163,436,555, Maxkamadda Ciidamadda ayaa loo qoondeeyey 3,740,000, Hay’adda Naafada iyo Agoonta C. Qalabka Sida oo loo qoondeeyey $93,000.

    Miisaaniyadda loo qoondeeyey Amniga gudaha ayaa korortay, qoondada 2024 ayaa gaareysa $77,483,925, halka qoondada miisaaniyadda 2025-ka laga dhigay $84,329,615, taas oo ka dhigan in Wasaaradda Amniga loo qoondeeyey $1,581,269, Taliska Ciidanka Booliska ayaa miisaaniyaddooda laga dhigay 49,333,986, si la mid ah ciidanka NISA ayaa la kordhiyay waxa ayna gaareysaa $27,998,720, iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo laga dhigay $5,415,640.

    Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa ka mid ah Hay’adaha ugu badan ee ay ku baxdo Miisaaniyadda dowladda. Qoondada  loo qorsheeyey Caafimaadka ayaa dhan $91,614,620, halka Miisaaniyadda loo qoondeeyey Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay gaareysa $110,417,499.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.