Ujeeddo: Magacaabis Guddoomiyaha iyo G/ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga Degmada Halgan Radiohalgan.com
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle:
Ka dib markuu arkay baahida loo qabo dardar gelinta Howlaha shaqo ee Degmada Halgan, markuu arkay muhiimada ay leedahay adeegyada bulshada iyo xoojinta amniga iyo Siyaasadda ee Degmada Halgan, markuu la tashaday Madaxda sare ee Dowladda Hirshabelle, waxa uu u magacaabay:
1. Mudane Axmed Adan Warsame Guddoomiyaha Degmada Halgan
2. Mudane Maxamed Guhaad Cabdi, G/Ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga Degmada Halgan.
Dhammaan Hey’adaha amniga iyo Shacabka Degmada Halgan, waxaa la farayaa in ay la shaqeeyaan mas’uulkaan la magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.
DHAMAAD

