“Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxed Hassan Ibrahim Qoono oo la hadlay Warbaahinta maanta ayaa ka hadlay Qodobo xasaasi oo ku Abaaran xaalada Siyaasadda ee Dalka.
“Ugu horeeyn Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay in uu ku soo laabto miiska wada hadalka lana
heshiyo Dowladda Soomaaliya kana shaqeeyo midnimada iyo xasilooni dowlad gobaleedka jubaland.
” Waa in Soomaalinimada la,ilaaliyo lana joojiyo xiriirka sharcidarada ah ee dowladaha shisheeye, .
Xiriirka dowladaha shisheeyo waa sharci daro iyo khiyaano qaran iyo burburinta dowladnimada somaliyeed.
“Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Hambyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland mudan Abdiraxmaan Cirro.
“Dhinaca kale :Lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya Maxed Hassan Qoono ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee Gobalka Hiiraan iyo xasilinta magalada Baledweyne.
Lataliyaha ayaa Siyaasiinta iyo Waxgaradka Gobalka Hiiraan ugu baaqay iin maamulka sharcidarad ku dhisan ee hiraan state laga saaro magalada baladweyne lana taageero mamul gobaleedka hirshabeele.
Lataliyaha ayaa baaq furan usoo jeediyay dhamaan wax garadka reer hiiraan in laga shaqeeyo xal-uhelida tabashada reer hiiraan .