Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibneyd dalka dibadiisa.
Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala.
Dadka maanta dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa kamid ah ilmo ka yar 11 bil.
Dowladda ayaa waxay u mahad-celisay Midowga Yurub oo maal-geliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa.
Waxaa sidoo kale ay dowladda Soomaaliya u mahad-celinaysaa hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dalka dib ugu soo celisay boqolaal ruux oo ku xanibnaa dalka dibaddiisa sida dalalka Suudaan iyo Liibiya.
Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dembiileyaasha ah