Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Daqare ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Xildhibaano Wasiiro katirsan dowladda Hirshabelle iyo Siyaasiyiinta beesha Baadi-cadde ah oo gobolka Hiiraan kasoo jeeda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Midnimada siyaasadeed ee beesha iyo in la garab istaago dowladda Hirshabelle oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Daqare ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay magaalada Beledweyne, waxuuna iskaashatada Beeraleyda Beledweyne ku wareejiyay Cagaf-Cagafyo iyo Agab kale si kor loogu qaado wax soo saarka beeraleyda Beledweyne.