Gaadiidleyda Hiiraan Shir ay soo agaasimeen ayay maanta u qabteen Culimada, Odoyaasha Dhaqanka, Dhalinyarada iyo qeybaha bulshada Beledweyne.
Ujeedka Shirka ayaa ahaa sidii wax looga qabaan lahaa isbarooyinka faraha badan ee maalin kasto si kordhaayo taas oo lagu dhibateeyo gaadiidka iyo dadka masaafurka.
Odayaasha iyo Culimada oo si guud u qiray dhibatada ay arintaas leedahay ayaa isla qaatay in 7-maalin lagu qaado guud ahaan isbarooyinka lana fuuro wadada dheer si ay u nabad helaan masaafurka iyo gadiidka intaba.
Waxaa leeska gartay Shir kale oo balaaran in leeysugu yimado Oday walbana u saxiixo in la qaado Isbaarooyinkasi si lo helo Nabad iyo Xasilooni.