ka badan 20 saacadood ayaa waxaa magaalada Laascaanood ka socda howgal lagu soo saarayo ilme yar oo ku dhacay God musqul ama Suuli ku yaalla xaafada bisha cas ee magaaladaas.
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Intii uu socday howlgalka samata bixinta waxaa ku ku naf waayey askari ka tirsan ciidanka dab demiska Maamulka Khaatumo oo galay godka ka dib markii uu ku neef qabatimay, halka askari kale loola cararay isbitaalka.
Godka Suuligan oo dhererkiisu ka badan yahay 20 mitir ayaa waxaa mar kale isku dayey duhurnimadii maanta askari kale oo wax yar ka dib laga soo jiiday godka isagoo miyir beelay.
Ilmaha yar ee ku dumay godkan ayaa la aaminsan yahay inuu geeriyooday, waxaana socda gurmad la doonayo in lagu soo saaro meydkiisa oo illaa hadda aan lagu guuleysan.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo C/qaadir Firdhiye iyo xubno ka tirsan Maamulka dowlada hoose ayaa gaaray goobtaas maanta iyagoo u kuur galay sida uu howlgalkaas u socdo.
Waxa sidoo kale goobta ku sugan dadweyne fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaaladaas kuwaasoo doonaya iney wax ka ogaadaan xaalada wiilka yar ee godkaas ku jira mudada 20ka saacadood ka badan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA