Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta gaaray deegaanka Waab-weyn oo kamid ah deegaanadii Argagaxisada laga saaray isla markaana horumaro badan durba aay ka jiraa.
Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday waxaa deegaanka Waab-weyn sodhaweyn maqaam sare leh ugu sameeyay Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle Cabdirisaaq Al-cadaala Odayaasha dhaqanka waxgaradka Aqoonyahada Haweenka iyo boqolaal kamid ah bulshada Waab-weyn.
Deegaameyn balaaran ayaa socota halka isku tashi bulsho dadka ree Waab-weyn ku dhisteen xaruumo Caafimaad iyo Waxbarasho, Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo masuuliyiin la socday ayaa kormeeray celbiyoodka dhawaan laga hirgeliyay Waab-weyn iyo sidoo kale xaruumo caafimaad iyo wax barasho.
Munaasabadda sodhaweyn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed aay u sameeyeen bulshada Waab-weyn ku nool waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle Cabdirisaaq Al-cadaala iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka Waab-weyn waxa aayna cod-dheer ku dalbadeen helista xaruumo isgaarsiin ah madama dadka Waab-weyn ku dhibanyihiin isticmaalka isgaarsiinta.
Wasiiru dowlaha Cadaaladda Hirshabelle Mahad Maxamed Beyle ayaa dhankiisa munaasabadda ka hadlay.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo gaba gabadii hadlay ayaa bulshada Waab-weyn uga mahadceliyay sodhaweyn sare oo aay u sameeyeen waxuuna dhanka kale faray shirkadaha isgaarsiinta gobolka Hiiraan in xaruumo isgaarsiin ah ugu dameyn 20 bisha uga hirgeliyaan deegaanada Waab-weyn iyo Cali Ganeey madama bulsho badan deegaanadaasi kunool yihiin horumar badan uu ka socda degaanadaasi sidaa aawgeedna aaysan suura gal aheyd in isgaarisiin la’aan dadkaasi aay noolaadaan iyaga oo kunool deegaanno xor ah.