Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobalka Hiiraan,gaar ahaana magaalada Maxaas, ciidamada deegaanka ayaa ka baxay magaaladaas, ka dib markii uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo ay subaxnimadii hore ee maanta lagaleen Kooxda AS
Magaalada Maxaas waa magaalo muhiim ah, 13kii sanno ee lasoo dhaafay waxaa saldhig ciidan oo joogitaan ah ku lahaa ciidanka midowga Afrika, gaar ahaana kuwa Itoobiya, balse dhammaadkii 2024-kii ayay ka baxeen, ka dib is afgaranwaagii Soomaaliya & Itoobiya.
Deegaanada Aadan-Yabaal, Maqokori, Maxaas & Matabaan ayaa ah deegaano muhiim ah marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro AS Kooxda waxayna ka tirsan yihiin Shabeelaha Dhexe, Hiiraan ilaa Galguduud.
Villa Somalia ayaa ciidamo & hub u safrisay gobalo ka durugsan, iyadoo yoolku yahay sidii ay u abuuri lahayd nabadgalyo darro, sida ay ku eedeeyeen Puntland & Jubbaland, iyadoo laga weeciyey la dagaalanka Kooxda As
Shabeelaha Dhexe ilaa Hiiraan goobo kamid ah ayay ciidanka dawladda ka baxeen bilihii ugu dambeeyey, xili ay ciidamada deegaanadu difaacyo mudo dheer ku jireen, gaar ahaana kuwa Beesha Xawaadle oo ku kaliyeystay la dagaalanka Kooxda AS