Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda gobolka Xasan Carabeey Isku-duwaha Wasaaradda Tamart
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda gobolka Xasan Carabeey Isku-duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Hirshabelle Mudane Cawil Maxamed Jabriil iyo xubno kale oo maamulka kamid ah ayaa kormeeray qoysaskii ka barakacay fatahaad horu-dhac ah oo Wabiga Shabeelle uu kasameeyay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne, dadkaasi oo deegaansaday qeybo kamid ah daafaha Beledweyne.
Guddoomiyaha gobolka ayaa qoysaskii u ballanqaaday in aay heli doonaan gurmad kala duwan.