Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay kulan looga hadlayey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa furitaanka kulanka ka sheegay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon, xilli daba-yaqaada sanadkii tegay laga cafiyay Soomaaliya dhamaan deymihii lagu lahaa.
Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin wasaaradaha wax-soosaarka dalka ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeel-dheer dhaqaalaha oo uu kamid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa kale oo uu tilmaamay sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto goobteeda istiraatiijiga ah, dadkeeda hal-abuurka leh iyo xiriirada dhaqaale ee gobolka.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, si loo horumariyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto fursadaha jira.