Dowladda Federaalka » Xasan Sheekh oo booqdey dhaawacyadii Hotel SYL iyo NISA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniinta kale ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada al-Shabaab ee ka dhacay hotelka SYL.
Dhaawacyada waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo masuuliyin kale oo ka tirsan xafiiska raysalwasaaraha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.
Weerarkan ayaa muujinaya fashil dhanka amniga ah, maadaama Hotel SYL uu u jiro xayndaabka Villa Somalia, waddooyinka soo galana si weyn loo ilaaliyo