Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka Somaliyeed isagoo sheegay in sida SHBB la isaga xorayn doono:
“Roori doone hortiis lama rooroi!
Kismaayo ayay ka soo codsadeen wadahadal weliba waqti ayay qabteen waa loo raacay, casuumaad ayaa loo wada diray, buuq iyo qaylo, bambooyin iyo qoryo ayay Îskâ soo hormarsiiyeen, ayadoo aan sharci ahayn ayaa loo aqbalay.
Hoteelada Xalane hanala kugu yimaado ayay la soo shir tageen waa loogu tagay. Villa Somalia in ay yimaadaan ayay ka caga-jiideen waa laga qanciyay dadaal dheer ka dib.
Tagistoodii Villa Somalia carqalado is xig-xiga ayay damceen in ay ku hor gudbaan, dhammaantood si xikmadaysan ayaa looga gudbay!
Laba wareeg oo wadahadal ah oo saacado dheer qaatay ka dib, waxay ku Kala hormareen sheegista in shirkii fashilmay!
Waa kooxo isku raran, Kala ujeeddo ah, qaarkood hal meel laga soo jiscimay, ayadoon shirkuba furminna banaanka la taagnaa waa fashilinaynaa wadahadalka.
Dawladda Soomaaliya ayaa Dalka mas’uuliyaddiisa loo dhaariyay, sida afduubka Khawaarijta shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduubka ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.
Waa inoo doorasho hufan iyo qof & cod”.

