Wasaarda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Hirshabelle ayaa Tababar u qabtay Odayaasha dhaqanka iyo culumaa-udiinka Degmadda Warsheikh ee Gobalka Shabellada Dhaxe.
Waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socday Dowladda Hirshabelle ,Haweenka Degmada Warshiikh, odayaasha dhaqanka, culumaa u diinka iyo qaar kamid ah Golaha Deegaanka degmada Warshiikh.
Tababarkaan oo socday 5-7dii May 2024 ayaa loga hadlay sidii haweenka siyaasada loga qeyb galin lahaa sido kale ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dib u heshiisiinta.
Tababarkaan ayaa inta u socday la isku dhaafsaday Doodo badan iyo aragtiyo Kala duwan oo muhiim ahaay islamarkaana sigaara u taabanayay sidii haweenka siyaasada loga qeyb galin lahaa sido kale ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dib u heshiisiinta.
Dhinacakle odayasha degmada Warsheikh ayaa loga mahad celiyay sida ay u xaqiijiyeen kootada haweenka 30% ee doorashadi dhawaan Golaha deegaanka ka dhacday kaas ay oo ay 6 haween ah boosas ka heleen.
Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka Dowladda Hirshabelle Deeqo Isaaq ayaa xustay in haweenku yihiin tiir dhexaadka ugu weyn nabada iyo hormarka dalka muhiimna tahay in doorkoda laxoojiyo kadibne so xirtay tababarkii.