War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu xiray xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Dowlada Federaalka.
Dad Magaalada ku sugan ayaa tilmaamaya in arintan ka dhacday gudaha magaalada, balse weli si rasmi ah looma sheegin cidda ka dambeysa falkaasi.
Masβuuliyiinta ammaanka iyo hayβadaha dowladda ayaan weli ka hadlin arrintan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.

