Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in Golaha la fasaxay kadib buuq iyo sawaxan maalmahaan hareeyay Fadhiyadii Golaha oo lagu waday in la horkeeno wax ka bedelka qodobo ka ka mid ah Dastuurka Qabyo qoraalka ah.
Xildhibaanada kasoo kala jeeda Puntland iyo Jubaland ayaa ku dooday in mudo dheeraad ah aan lagu dari karin Kala-fadhi si dastuuri ah u xirmaya.

